Jahwareer xooggan oo ka taagan Villa Somalia & Marwada Madaxweynaha

Jahawareer ayaa ka taagan hanaanka shaqada ee Villa Soomaaliya, todobaadkii hore Agaasimihii waaxda howlaha guud ee Madaxtooyada ayaa iscasilay, sababo la xariira markii ay cadaadis saartay mid kamid ah Marwooyinka Madaxweynaha, taas oo gaartay gacan-qaad, waana hardanka gudaha guryaha Madaxweynaha ee ku loolanka adeegga Villada.

Isku dayo la xariiray in lagu qanciyo qoyska madaxweynaha in Abdalla Abbas Yusuf oo la magacaabay September 2022, sii shaqeeyo ayaa guuldareystay, iyadoo ugu dambeyn lagu qasbay in uu is casilo Abbas, horey ayuu uga mid ahaa dhalinyaradii la shaqeysay Xassan xiligii ole-olaha, haddana lagu bedelay xubin kale oo la aaminsan yahay in uu keenideeda leeyahay Abshir Bukhaari, waana qofkii 3aad oo booskan qabanaya 8 bilood oo uu Madaxweyne Xasan, kursiga Villada joogo.

Is qabqabsi ayaa ka taagan waaxyaha, Shaqada, Shaqaalaha & Qorsheynta, Isku dubrayidka, iyadoo ay qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh doonayaan isbedelo in lagu sameeyo, xili ay sheegeen in xildhibaanada golaha shacabka qaarkood cabasho ka keenen Shaqaalihii KMG ahaa ee ka badnaa 300 qof ee laga ceyriyey Madaxtooyada, oo la doonayo in eeda dhankaas looga gabado.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*