
Sida ay ogaatay Puntlandtimes, Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda u socdaali doona dalka Jabuuti.
Axmed Madoobe ayaa Jabuuti kulan kula qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha siyaasadda, sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo.
Geelle ayaa soo dhaweysanaya dhinacyada siyaasadeed ee kasoo horjeeday xukunkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo diiday dhawaan in uu la fariisto.
Labada dhinac ayaa ka siman kuraagida xukunka. waana socdaal dhinacyada u dhag haya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ku tilmaameen mid Geelle ku doonayo inuu u sii adkeeyo Xasan Sheekh Maxamuud xulufada dawladdiisa.
Booqasho siyaasadeedkan ayaa kusoo beegmaysa, xili ay siyaasadda Soomaaliya sii dhamaanayaan maalmihii aamuska oo ay abuuri doonan kooxo siyaasadeedyo.
PUNTLAND TIMES
Axmed madoobe waa oday soomaaliyeed oo fiican.
Maxaa loo xagxaganayaa?.
Aan kugu adeegano oo markasta kursiga kugu gaarno waana iska diiday.
Jubbaland baa inta la isku diray maanta kala taagan,waana waajib inu xaliyo siriqaha loo maleegay maamulkaas.
Puntland iyo dadkeedu waxay tageeraan qaddiyadda Jubbaland oo la’aantood aan suuragal noqoteen. Hana hilmaamin inay jubbaland wax ka degaan beesha Puntland degtaa xooggii ugu weynaa ee ku guulaystay inay mooryaantii Ka bedbaadiyaan suurtana geliyaan in Ahmed madax ka noqdo waa iyaga. Marka adeer dadkani shaqsiyadda Ahmed madoobe iyo Jubbaland iskuma qaldaan.
Laakiin waxaa layiri xafaayad iyo siyaasiba wasakhdoodaa loo beddelaa marka Ahmed Madoobe Sii jooggiisa Jubbaland iyo dadkeeda oo aan ka mid ahay baa nacay waxna wuu kusoo kordhin waayay. Time to let him find another job
Ar madaxweyne gelaa, kkkkkkkkkkkkkk, Wallaahi waa nin xariif ah.
Madaxweyne Geele waa oday soomaaliyeed oo wax garad ah, marka waa in dowladnimada soomaaliya uu ka qeyb qaato.
Viva madaxweyne ismaaciil cumar geele.
π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―π©π―πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄πΈπ΄.
Geelle wuxuu hiil iyo hoo ku taageeray SNM iyo Mangistu waagii ay la dagaalamayeen Soomaaliya iyo Siyaad Barre. Siyaad Barre siduu ugu lisay waagii ay gobanimadoonka ahaayeen uguma ay hambayn, oo nacabkiis bay u hiilliyeen.
Xogtaas waxaa ka dharagsan qayb kamid ah bulshada Soomaaliyeed. Geelle iyo Jabuutida maantu waa ka DHILLAYSTAAN Soomaalinimada. Ha adkaysteen markuu dhibku iyaga u meero!
dib maleh siyaasada waa nooga adkaadey laakiin waxaan la yaabanahay in ciidankii puntland ayey maanta gacan siinayaan hawiye oo ay laxoranayaan deegaanada hawiye maxaa loo xoraynwaayey sool iyo sanaag
guul somali
somali guul
Geelle waa kansar soo ku yaal
Halaga ilaaliyo ummadda soomaaliyed sunta geelle dameer ilaahayna ummadda reer jabuuti ha ka qabto masiibada haysta
Geelle shacabkiisa ha daryeelo. Geelle marabo horumarka Soomaalia. Somalia oo nabad noqota oo lugaheeda ku istaagta dani uguma jirto.