UPDATE: Labo kamid ah madaxda sare ee Somaliland oo ku wajahan Laascaanood, kaddib guuldarada KAAHIN

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa saacadaha soo socda ku wajahan caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood, oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu ka taagnaa kacdoon ka dhan ah maamulka Somaliland.

Labada masuul ayaa u tagaya Laascaanood dejinta xiisada ka taagan magaalada, xilli isimmada dhaqanka iyo shacabka gobalka Sool ay dalbanayaan in maamulka Waqooyi galbeed isaga baxaan gobalkaas.

Sida ay ogaatay PuntlandTimes, socdaalka Laascaanood ee Saylici iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa yimid kaddib markii wasiiro ka socda Somaliland oo muddo ku sugan Laascaanood, uuna horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha Hargeysa Maxamed Kaahin ay ku guuldareysteen inay dajiyaan kacdoonka bulshada gobalka iyo inay wadahadal la yeeshaan dhaqanka iyo waxgaradka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ah ninka ugu sareeya xubnaha kasoo jeeda goballada SSC ee xilka ka haya maamulka Somaliland, waxaana socdaalkiisa Laascaanood loo arkaa tijaabadii ugu dambeysay ee maamulka Somaliland ku doonayo inuu xal ugu helo kacdoonka shacabka.

Xogo  hoose ayaa sheegaya masuuliyiinta sare ee ka socda Hargeysa aysan degi doonin gudaha magaalada Laascaanood, balse hoyi ay ka dhigan doonaan mid kamid ah xeryaha ciidan ee maamulka Somaliland ku leeyihiin duleedka Laascaanood.

Xaalada Laascaanood ayaa cakiran tan iyo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii tagay ee 2022, kaddib kacdoon bulsho oo ka dhashay dil loogu guystay magaaladaas Cabdifitaax Hadraawi oo kamid ahaa haldoorka gobalka Sool. Dibad-baxyo ka dhashay dilka marxuumka ayaa ciidamada Somaliland u adeegsadeen rasaas, sababtay geerida in ka badan 25 qof oo shacab ah.

Isimmada dhaqanka ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa kala baxo Laascaanood iyo guud ahaan deegaanada gobalka Sool, iyagoo ku eedeeyay Somaliland inay ka dambeyso ugaarsiga haldoorka gobalkaas.

2007 ayay Somaliland ka qabsatay Laascaanood Puntland, waxaana tan iyo xilligaas magaalada ka soconaya dilal qorsheysan oo lagu beegsanayay haldoorka gobalka Sool.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Waxay u eg tahay in reer Sool diideen madax salaax bilaa macne ah.
    Cidkasta oo loo soo diraa waxba kama bedeli doonto mawqifkooda.

  2. Aad ayaad ugu mahadsantihiin inaad kala saartaan fekradda iyo cayda. Waadna ku mahadsantihiin inaad baloogtaan kuwii ummadda caayi jiray.
    Thank you

  3. Laascaano xaalkeeda hadan ka hadlo waxay noqoneysa faragelin. Marka waxan dhihi lahaa nabad wax kafiican majiraan. Somaliland waxan dhihi laha rer lascano ina qancisan idinka laydinka rabaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*