COD SIR AH: Somaliland oo weeraraysa Isimmada SSC ee jooga Laascaanood “Bumbooyin bay soo galiyeen”

Sida uu muujinayo cod sir ah oo laga faafiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, maamulka Somaliland ayaa qorsheynaya in uu weeraro Isimmada dhaqanka goballada SSC ee ku sugan caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood.

Maxamed Kaahin oo ka hadlayay kulan ay yeesheen xubnaha Somaliland ee kasoo jeeda Hargeysa iyo xubnaha kale ee kasoo jeeda beesha degta SSC, ayaa ku eedeeyay isimmada dhaqanka ee tagay Laascaanood inay magaalada la yimaadeen ciidammo katirsan maamul kale (Puntland) iyo inay hub soo galiyeen gudaha Laascaanood, sida Bumbooyin.

“Waxaan ogalaaneyn iminka Garaadada aad u dirsateen ee bumbooyinka aan idin tusay soo dhiibay qaarkood magaalada iminka jooga waxaan idiin deynay inaan qabano” ayuu yiri Maxamed Kaahin.

Sidoo kale, Kaahin ayaa sheegay inay Isimmadu ay wadaan ciidan aruursi si ay ugu soo duulaan Laascaanood, una xoreeyaan, waxaana uu ku baaqay inay ka hortagaan.

“Waxaan u baahanahay saynu u howlgalayno inaynu falankeeda qabano inagaa cariga ka dowladee” ayuu intaa ku daray Maxamed Kaahin oo si adag ula hadlayay xubnaha Beesha SSC ee ka qeybgalayay kulanka.

Maamulka Somaliland ayaa walwal fara-badan ka qabtay xaalada kusii cakirmaysa ee joogitaankooda goballada SSC oo ay ugu horeyso Laascaanood, waxaana jira hub aruursi iyo qorshe uu maamulkaas ku doonayo in uu xasuuq kaga geysto Laascaanood iyo deegaano kale kahor inta aan laga saarin.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*