WAR-SAXAAFADEED: Beesha Caalamka oo la safatay Puntland, kana hortimid qorshaha MW Xasan Sheekh

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha ka ah DFS in ay wadahadal ka galaan dadaallada lagu ambaqaadayo dawlad dhiska Soomaaliya.

War-saxaafadeed si wadajir ah uga soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dhinacyadu ka heshiiyaan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Sidoo kale, Wakiillada ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dawlad dhiska Soomaaliya.

Go’aanka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo salka ku haya dib-u-eegista dastuurka dalka iyo dhameystirka hannaanka Federaaleynta. Warka Saaxiibada caalamka ayaa lagu tilmaamay in uu dharbaaxo siyaasadeed ku yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waday qorshe uu doonayay in uu si aan heshiis lagu aheyn lagu dhameystiro dastuurka KMG ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi.

Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*