DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ciidamada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan BALWADA!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

“Ciidan xooggiisu waa anshax qoryaha uu wato ma ah marka waxaan idiin rajeynayaa kuwo lagu daysado oo kuwa kale oo ka dambeeya ay ku deysadaan in aad ahaan doontaan, balwada haleyska ilaaliyo dariiqa toosan iyo nolasha mideeda sahlan, sharafta iyo karaamada hala aado” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in wajiga labaad ee xoreynta deegaannada uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

Baaqa kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xariira inay joojiyaan balwada ayaa imaanaya xilli uu Madaxweynuhu qoyskiisa u xiray soo dajinta qaadka, sidoo kalena lacag si gaar ah asaga loogu dulsaaray Qaadka imaada Muqdisho.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*