SAWIRRO: Mid kamid ah Garaadada aadka u nicib Somaliland oo gaaray Laascaanood

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo wafti uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay xarunta gobalka Cayn ee Buuhoodle ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Boqolaal shacab ah oo wata calanka dalkeena ee Baluugga ah iyo kan bulshada SSC ayaa Garaadka kusoo dhaweeyay bartamaha Laascaanood, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan imaanshihiisa magaalada iyo tashiga Isimmada SSC.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa ku biiraya madax-dhaqameedka deegaannada SSC oo maalmihii u dambeeyay ku qulqulayay magaalada Laascaanood, oo uu uga furmayo shir wadatashi ah, kaas oo ay ka yeelanayaan masiirka bulshada ay hoggaanka dhaqan u yihiin.

Mid kamid ah Isimmada dhaqanka SSC ee sida aadka ah u diidan maamulka Waqooyi ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaana uu gacan adag ka geystay in deegaannada gobalka Cayn laga dhowro maamulkaas.

Tan iyo markii uu ka curtay magaalada Laascaanood “KACDOONKA BALUUGGA AH” oo ay hormuud u yihiin shacabka, ayaa waxaa xoogeysanayay isu soo dhowaanshaha bulshada deegaanka oo horey lagu tilmaami jiray kuwo kala qeybsan, iyadoo Laascaanood madax-dhaqameedka gaaray ay ku jiraan kuwo aan halkaas tagin intii maamulka Somaliland joogay.

15 sano oo maamulka Somaliland heystay Laascaanood, waxaa hada guud ahaan magaalada la suray calanka Qaranka ee Baluugga ah, bulshada deegaanka ayaa ugu baaqay sidoo kale somaliland inay isaga baxaan deegaannada SSC, kahor inta aysan dagaal isaga saarin.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*