Ugaaska Muuse Biixi “Dhulbahantow tallaabo halaga qaado, sidee calanka jinku uga baban karaa Laascaanood”

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar oo kamid ah madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan kuwa Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa ku taliyay in tallaabo adag laga qaado Laascanood.

Koosaar ayaa sheegay in gobolka Sool kamid yahay Somaliland lana wada dego, isagoo intaa ku daray in ay tahay wax aan la aqbali karin in calanka Somaliland mid aan aheyn lagu dhex qaato.

“Dhulbahante Talaabo sharci ah ha laga qaado macaa Garaadadooda, sidee Laascanood uga ba’ban karaa calanka Buluuga ahi.? Calan aan ahayn ka Somaliland in uu ka dhex ba’bado Laascaanood waa xaaraan. Gobolka Sool-na waa la wada degaa oo waa Somaliland” ayuu yiri Ugaas Koosaar.

Madax-dhaqameedka Beesha Somaliland iyo siyaasiyiintooda ayaa kordhiyay weerarada afka ah ee ay ku qaadayaan dhaqanka iyo bulshada goballada SSC, kuwaas oo wada kacdoon ay doonayaan inay aayahooda mustaqbalka ku go’aamiyaan.

Laascaanood ayaa martigelinaysa kicin bulsho oo loogu magacdaray “KACDOONKA BALUUGGA AH”, waxaana magaaladaas ku qulqulaya isimmada dhaqanka deegaanka si ay uga tashadaan masiirka dadkooda, halka goobaha muhiimka ah ee magaalada sida argooyinka lagu xardhay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib 15 sano oo maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya heystay.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Ninkii ictiriaaf raadiska ahaa, ictiraaf hakuu diido,Lol. Laascaanood is a city in Somalia, right right right??? War niman yahoow ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa? Ma waalniye hadaan fahmay Kowsaar, wuxuu leeyahay “Ictiraafka la heli doono, ayaan idiin sii diidaynaa in aad Somaliland ka go’adaan” KkKkkkkkkkkk

  2. Ninaan wax tarayn rumigiisa kal waaye. Ama gmail block saar ama comment diid waaqica indhaha lagama qarsan karo. Kusocota puntlandtimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*