UPDATE: DF Somalia oo ka baaqsatay ka shir muhiim ah, kaddib cadaadis uga yimid Masar &UAE

Dawladda Soomaaliya ayaa ka baaqsatay ka qeybgalka shir ay lahaayeen wasiiradda Arrimaha dibada ee Carabta, oo ay aqbashay bilowgii casumaadiisa, kana dhici lahaa dalka Liibiya.

Wafdiga Dawladda Faderaalka oo ka dhoofay Muqdisho, ayaa ka laabtay dalka Turkiga, kadib markii ay amar ka heleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna cadaadis uga yimi dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta, oo shirkan diidan.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Liibiya ayaa garoonka diyaaradaha ku sugayey wafdiga dawladda faderaalka Soomaaliya, iyadoo dhammaan la diyaariyey hab-maamuuska wafdiyada XFS, laakiin duulimaadkii diyaaradda ee horey u gudbiyeen ayaa wafdiga Soomaalida laga waayey.

Shirka ayaa ka dhacaya caasumada Tripoli ee Liiibiya, oo ah halka ay degan tahay dawladda caalamku aqoonsan yahay, laakiin ay diidan yihiin xulufada dawladdaha Masar iyo Imaaraadka Carabta, oo ay hadda raaligalisay damacooda dawladda Faderaalka Soomaaliya.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Xasan sheeq meluhu kuliito waatanoo kale. Indhahana lagama qarsan karo awooda imaratka kuleyaha somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄. Money

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*