AKHRISO: DF Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Dawladda Sweden, kaddib gubistii kitaabka QUR’AANKA

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falka uu ku kacay nin xagjir ah oo Dowladda Sweden u ogolaatay inuu safaaradda Turkey horteeda ku gubo Kitaab kamid ah Qur’aanka Kariimka.

War-saxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingariiska, kana soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ayaa lagu sheegay in falka oo dhacay sabtidii, uu ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta caalamka.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*