DAAWO: Garaad Jaamac “Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu Aydaan”

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiyaha madax-dhaqameedka goballada SSC ayaa ugu baaqay Beesha Isaaq (Somaliland) inay ciidamadooda si nabad ah ugala baxaan magaalada Laascaanood iyo deegaannada kale ee SSC.

Isagoo la hadlayay kumanaan shacab ah oo maanta kusoo dhaweeyay Laascaanood, ayuu Garaad Jaamac ku sheegay in aysan aqbali doonin loo go’aamiyo masiirka dadkooda iyo taladooda cid kale go’aamiso. Waxaana uu cod dheer ugu sheegay shacabka inay u diyaargaroobaan dagaal ay isaga xoreeyaan beesha kusoo duushay.

“Dagaalku wuu dheeran doonaa, dalkan waxaa leh go’aanka iyo taladiisa dadka leh, cid kale waxba ugama ogolin” ayuu intaa ku daray Garaad Jaamac Garaad Cali oo maanta gaaray Laascaanood oo 15 sanno uu ka maqnaa.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada SSC iyo bulshada ayuu ugu baaqay inay u noolaadaan sida libaaxyadii, intii ay 100 sano u noolaan lahaayeen sida bisadaha. hadalkaas ayaa lagu tilmaamay mid uu ugu duur xulayay in la joogo xilligii go’aan mideysan iyo maamul ay lahaan lahaayeen bulshada SSC.

Garaad Jaamac ayaa muddo 15 sano ah tagin Laascaanood, kaddib markii 2007dii ay Somaliland ka qabsatay Puntland. Waxaana tan iyo xilligaas uu dabad joog ka ahaa magaalada xarunta u ah bulshada Isimka guud uu u yahay.

PUNTLAND TIMES

 

3 Comments

  1. Waxaan rajeeynayaa kacdoonkan in uusan noqon xumbo caano geel.

    Yacni,Dadkii xornimada bilaabay ayaa boqol (100) sano kadib gumaysi ku jira waliba mid qabiil ah.
    Dollar badan ayaa boorsooyin buuxo lagu keeni SSC. Garaadyo qaar ayaa dhowaan waxaan maqli doona Turkiye,Dubai,Malaysia ama meelo kale caafimaad u aaday iyo been badan oo cusub.Wuxu insaan hadana ah Soomaaligii layaqaanay oo markuu Dollar ka xitaa waxba u ahayn in uu hooyadii iibsado(morally iyo ethically).
    Dhulbahante wuxuu haystaa fursad abid dib loo arki doonin.
    Xanta jirto waa in Natan Biixi dagaal qabiil oo calan Irir wato bilaabo oo Jabuuti maalgalinayso Xasan Shiikh na nacab hoose wado.
    U jeedka waa dagaal sokeeye iyo xitaa DDS dagaalka soo gasho.
    Waaloow waloow haday shaqayn weeydo bal hala arko ninka cirka soo dumiyo iyo meeshuu ku dhuuman lahaa!

  2. -dagaaliyo colaadiyo ninkii dirir ku baaqaya
    -allahayow ka daa yaa yidhaahda diintu may odhane
    -haduu diidi isagaa ogoo duuga wuu heliye.
    -dibad joogo xoolaha ha shubo ragbaa doog usoo bixiye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*