DAAWO: Somaliland “Garaad Jaamac, Jamhuuriyadda Garaadadee ugu waa weyn buu kamid yahay”!

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay imaanshaha xarunta gobalka Sool ‘Laascaanood’ ee Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiyaha madax-dhaqameedka goballada SSC oo muddo 15 sano ah ka maqnaa magaaladaas.

Wasiirka Biyaha Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tagista Laascaanood ee Garaad Jaamac, oo uu tilmaamay in uu yahay mid kamid ah isimmada dhaqanka Somaliland!.

“Jaamac Garaad Cali waa Garaad reer Laascaanood ah oo guun ah oo taariikh dheer leh, Jamhuuriyadda Somaliland Garaadadee ugu waa weyn buu kamid yahay, marka haduu Laascaanood soo gaaray waa nin magaaladiisii yimid haddii lasoo dhaweeyana dadkiisii baa soo dhaweeyay Garaadka uu u ahaa” ayuu yiri Wasiir Cali Mareexaan.

Garaad Jaamac ayaa muddo 15 sano ah tagin Laascaanood, kaddib markii 2007dii ay Somaliland ka qabsatay Puntland. Waxaana tan iyo xilligaas uu dabad joog ka ahaa magaalada xarunta u ah bulshada Isimka guud uu u yahay.

Somaliland ayuu sheegay in wax badan ka qabatay gobalka Sool, isagoo tusaale u soo qaatay in ay 44 ceel ka hirgeliyeen mudadii ay heysteen deegaannada gobalkaas.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Qalad kii ugu weynaa e cabdulaahi yusuf galo wuxu aha inu gobolkan ka dortay somalinimo. Somalilan oo ukumahq dhigatay hada. Sisahlan inuu gacanteda uga baxo lagama yaabo. Somalidii shalay ka aaday gobolkan manta wa irir samale marna iyagiiba cabadaya o shabab qorta u galay. Somaliland qudhoodu way cabaadayan oo in laga jiiro maraban wax walbana wey u samay nayan iney siijoogaan hadey dagaal taha iyo hadey af macaan taha. Cida go,aaminaysa maanta arinkan dhashii cabdulaahi yuusuf alaha u naxariste hala raadiyan dhihilaa.

  2. Xaajo kasta oo murugta xal keedunw dheeraado waxaa suurta gala sida hada ay taha inuu xalkeedu yaha. U fiirso dowlad degan somalida itobiya. Garisa iyo wajer somalida kenya. Dhulbahante qayb kamida iney marqaanland raacdo inuu qayrku ugu jiraa laga yaabaa oo ay taha halkaas mesha baduhu ku kulmaan. Sida qayr ku kujiro alaha nawaafajiyo amiin amiin amiin

  3. Intaan isku dayi kare inaan umad kala badbaadiyo waa isku daye. Wixii istumaya shuqul kuma lihi. Xaqa alaha u hiiliyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*