DEG-DEG: Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sano kaddib gaaray magaalada LAASCAANOOD

Wafti uu horkacayo Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiyaha dhaqanka goballada SSC ayaa goor-dhaweyd gaaray xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Isimmo, waxgarad, ganacsato iyo kumanaan kamid ah shacabka Laascaanood ayaa Garaadka uga hortagay banaanka magaalada, kuwaas ruxuyay caleemo qoyan, watayna calanka baluugga ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ku dhawaaqayay erayo ay ku cabirayaan shucuurtooda.

Garaad Jaamac ayaa muddo 15 sano ah tagin Laascaanood, kaddib markii 2007dii ay Somaliland ka qabsatay Puntland. Waxaana tan iyo xilligaas uu dabad joog ka ahaa magaalada xarunta u ah bulshada Isimka guud uu u yahay.

Waxaa lagu bartay Garaad Jaamac Garaad Cali in uu si weyn u naqliyo aragtida maamulka Somaliland ee kala jarka Ummada Soomaaliyeed, iyo inuu ku ad adag yahay in looga dambeeyo dadkiisa inay go’aamiyaan masiirkooda.

15 sano oo maamulka Somaliland heystay Laascaanood, waxaa hada guud ahaan magaalada la suray calanka Qaranka ee Baluugga ah, bulshada deegaanka ayaa ugu baaqay sidoo kale somaliland inay isaga baxaan deegaannada SSC, kahor inta aysan dagaal isaga saarin.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*