Mukhtaar Roobow “God buuha iyo Gaalo oo irmaan waa la isla waayay”

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta XFS, Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wax wanaagsan oo dalka anfacaya ay kasoo baxaan Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mukhtaar Roobow oo hadal ka jeediyay furitaanka shirweynaha ayaa sheegay in culimadu ay isaga timid dalka iyo dibedda, kaddib baaqii Madaxweynaha DFS Xasan Sjheekh Maxamuud uu u diray.

“Shirka waxaa ka baqaynay in uu naga umul raaco waa yimid oo waa dhashay, in wax fiican kasoo dhashaana waan rajeynaynaa” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Abu Maansuur ayaa intaa ku daray “Waxaan is leeyahay wax la isla waayay hada kahor ayaa isku yimid oo la isla hel-helay, Madaxweyne dhahaya aaway culimadii ii soo raadiya, culimadii oo dal iyo dibad inta laga wacay si dhaqso ah u soo ajiibay oo horey ka yimid”.

“Nin Soomaaliyeed ayaa hada kahor yiri God buuha iyo Gaalo oo irmaan waa la isla waayay” ayuu intaa sii raaciyay Abu Maansuur.

Shirweynaha oo uu daahfuray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu socdo lagu gorfeynayaa arrimaha diinta iyo la-dagaallanka argagixisada oo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo gaba-gabadiisa laga soo saari doono War-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay isla meel dhigeen culimadu.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Armay wuxu yihiin culumo lagu sheeg Dollar qaato! Fatwa Dollar ah.Yacni culumada Soomaaliyeed waa layaqaan ee dhamaan Sawirkooda ama iyagoo meesha ka hadlaya hala arko.Aalada iyo Zoom laga hadlo waa munaafiqnimo.
    Suufi qabuur dultaagan culumo ma ahan.Wadaad reer galbeed jooga ama wadamo sida Masar xor ma ahan.
    Kuwa Soomaaliya jooga 60% waa fiqi tolkii kama janno tago oo cudur qabiil ayaa haya.
    Gunaanadka shirka waa laqayaan wuxu noqondoono,waa un sideen Ashb ku caayi karnaa iyo propaganda aad u hooseeyso oo dad caqli gaaban soo dhoob dhoobaan.
    Dhibka Somalia Ashb ka wayn,kala jarjarka ummada iyo ruxumka iyo kun Dowlad oo mid ba kan kale ka liito dhamaan dhaca shacab iyo dalka.
    Culuno Soomaali machad Soomaaliya ka soo baxay maba jiraan 35 sano ee la soo dhaafay.
    Dhamaan waa sida siyaasiinta oo midba jacalad gaar iyo wadamo kala duwan fahamkooday wataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*