
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray dhammaystirka wejiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxaa la dhammaystiray dhismayaal muhiim ah iyo shaqooyinkale oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin.
1. Runway Extention 800M
2. Runway End Safety Area 300M
3. Runway Lighting
4. Keenidda Gaadiidka Dabdamiska
5. Hanger Cusub 70x60M
6. Road Two way 2KM, 7M
7. Parking 200/300M
8. New Apron Cargo and Taxi way 150×150m
9. Fence 4 km
10. Koronto 24/7
11. Bannaynta wajahadda Garoonka
12. Dhismaha Xarunta Hawada
13. Contingency Area
14. Tayaynta Cidanka Garoonka
15. Tayaynta Agoonta Shaqaalaha
Sidoo kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni yaa dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa la dhisidoonaa dhismayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin.
1. Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger )
2. Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo)
3. Dhismaha qaybta Dab-damiska
4. Dhismaha Tower Cusub iyo
5. Sidoo kale waxaa la dhammaystiridoonaa oo hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hoteel casriya oo uu yeelandoono Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
PUNTLAND TIMES
Guul iyo horumar Puntland. Siciid Dani waxaan leeyshay sii wad horumarka PL.
Adeer weeynu socon
Halkeey tabari nageeyso
Hadal hayntu waa socon intuu aadamigu jiro
Dhirta geedka u dheer xaarka shibiraha
Baa kuyaal
Dadna kan ugu dadaal badan ugu firfircoon ugu wax qabad badan
Xanta dadka war xuma tashiilkaa kutaal