DAAWO: Garaad Cabdullaahi “Aabbahey 1991dii buu diiday Somaliland, wadadiisii yaana marin”

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan, oo kamid ah Garaadada ugu waa weyn beelaha goballada SSC ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood.

Degmada Taleex ayuu aroornimadii saaka kasoo socdaalay Garaad Cabdullaahi, isagoo soo maray deegaanka Tukaraq oo boqolaal shacab ah ay kusoo dhaweeyeen, waxaana intii uusan soo gaarin Tukaraq laga dajiyay calanka maamulka Somaliland.

Garaad Cabdullaahi ayaa markii uu soo gaaray Laascaanood waxaa kusoo dhaweeyay kumanaan shacab ah, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, calanka Qaranka Soomaaliyeed iyo kan bulshada SSC. Garaadka ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay isagoo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan midnimadooda iyo rabitaankooda.

“Aabbahey Garaad Saleebaan 1991dii yuu diiday Somaliland, siddii isagoo uga maqan buu ku dhintay ana wadadiisa yaan mari doonaa” ayuu yiri Garaad Cabdullaahi oo la hadlayay shacabkii u soo baxay soo dhaweyntiisa.

Garaadka ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ay 14 cisho gudahood uga baxaan magaalada Laascaanood iyo deegaannada kale ee goballada SSC.

Allaha u raxmadee Garaad Saleebaan, ayaa geeriyooday isagoo mudo dheer ka maqnaa Laascaanood, kana soo horjeeday damaca Somaliland, 2018-kii ayaa la xasuustaa Garaadka oo qori wata oo kusugan Tukaraq.

 

PUNTLAND TIMES

 

2 Comments

  1. “Hadimiyo dhibaatiyo,
    Gaajiyo harraad baa,
    Na hareera yaallee,

    Dhulkeenna hooyoo,
    Loo hagarbaxaabaa,
    Na haqabtiraayee

    Waa lamahuraanee,
    Hawlaha danteenna,
    Iyo halgankeenna,
    War yeynaan u kala harin

    Hayb hayb la sheegtiyo,
    Habar habar ma joogtee,
    Haween iyo rag maantaba,
    War yeynaan u kala harin,

    Heerkaynu joogniyo,
    Waxa lagu hammiyayaa,
    Kala haadaan weeyee,
    Hodan iyo barwaaqaba,
    Annigaysu haynnee

    Waa lamahuraanee,
    Hawlaha danteenna,
    Iyo halgankeenna,
    War yeynaan u kala harin”

  2. Waxa qalbiga farax ku abuura midnimada Soomaaliyeed ee uu u taaganyahay calankan cirka u eg. Aaaah qurux badanaa oo qaayo wayna, ubadkii daraawiisheed maanta waxay dib boodhka uga jafeen hiddahoodii asalka ahaa ee gunnimo nacaybka iyo u hiillinta midnimada iyakoo calaamaddaas midnimada aan dad kale oo badani la wadaagin, marka laga reebo walaalahooda USP.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*