DAAWO: Gen. Nuux Taani “Hadalada deel qaafka ah ee Garaadada dhag jalaq u siin mayno”

Taliyaha Ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ciidamada Somiland ay ku sii sugnaan doonaan Laascaanood iyo deegaannada kale ay kaga sugan yihiin goballada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Taliska ciidanka Somaliland ee gobalka Sool (Gooja-cadde), ayuu Gen. Nuux Taani waxaa uu ku sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonaan baaqa isimmada dhaqanka goballada SSC ee ah inay isaga baxaan deegaannadaas.

“Hadalada deel qaafka ah ee meelahaa laga leeyahay ciidanka Qaranku dhaga ma u dhigi doono, waxayna wadan doonaan howsha ay u xil saarnaayeen oo ahaa nabadgelyada Qaranka haday xad tahay iyo gudahaba” ayuu yiri Nuux Taani oo saaka shir isugu keenay saraakiisha Somaliland ee ku sugan gobalka Sool.

Ciidanka Somaliland ayuu sheegay Taliye Taani inay yihiin cidda sugeysa Amniga Garaadada dhaqanka ee maalmihii u dambeeyay tagayay caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood. hadalkan oo loo arkayay mid uu qiil ugu raadinayo Ciidanka Beelaha SSC ee wehlinaya Garaadada diidan Somaliland.

“Dadweynaha reer sool waxaan leenahay nabadgelyada idinkaa kunool qof walbaa waa u baahan yahay, nabadda dhulkiina ilaashada” ayuu intaa ku daray Taliyaha Ciidanka Somaliland.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. Waa iska caadi, this is part of life, waa 4tii stage Puntland hore u soo mareen oo kale,Lol. Kan ugu horeeya waa Denial. Yaaba is gaaray!

    Waxaan Isaaq kula talin lahaa, marnaba Dhulbahante dagaal iyo colaad dhexdiina ah yaan la idinka dhex abuurin oo isaga taga deegaanadooda sida Puntland oo kale. Waad u jeedaan nabada iyo kalgacaylka ka dhaxeeya Puntland iyo Reer SSC, Illaah amarkii, caqli iyo dulqaad ayey ku timid, idinkuna taa oo kale hiigsada. Ku Dayo Puntland!

  2. Webkii Deni baa iibsaday,wiil uu adeer u yahay baana qora.
    Webka xaq iup xaquuq ayaan ku leenahay ee maxay tahay xayiraada fikriga ah ee aad na saadheen.
    Cawaan caqli xun

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*