SAWIRRO: Wafti sare oo ka socda DP WORLD oo soo gaaray Boosaaso +Ujeedada

Wafti balaaran oo ka socda Imaaraadka Carabta ayaa maanta soo gaaray caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Suhail Al-Banna, oo ah CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa ayaa hoggaaminayay waftiga yimid, waxaana ay soo dhaweeyn kaddib ay kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

War kooban oo ay daabacday Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ujeedada waftiga ka socda shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta u yimaadeen Boosaaso ay tahay socod siinta mashruuca ballaarinta Dekedda Boosaaso.

“Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.”

PUNTLAND TIMESĀ 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*