UPDATE: Kantaroolka Tukaraq oo laga qabsaday maamulka SOMALILAND

Cutubyo kamid ah ciidamada deegaannada SSC ayaa qabsaday deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Ciidamada ayaa calanka maamulka Somaliland ka dajiyay kantaroolka Tukaraq, iyagoo suray calanka Qarankeenna Soomaaliya iyo kan bulshada SSC.

Somaliland ayaa 2018kii ka qabsatay Puntland deegaanka Tukaraq, waxaana ka dhacay deegaannada dagaalo culus oo maalmo socday, kuwaas oo ay Puntland doonaysay inay dib ugu soo ceshato, balse uma suuragelin.

Ciidamada Somaliland ayaa tan iyo intaa wixii ka dambeeyay fariisimo ciidan oo waa weyn ka sameystay deegaanka, oo ay ka dhigteen bar xaduudeed.

PUNTLAND TIMESĀ 

4 Comments

  1. Dagaal la’aan baa la qabsaday dheh, cid ku dhimatay ma haysaa, imisa dagaalku socday, maalin hore sow digaa lahaa, waa la qabsaday, adeer Somaliland dhul xoog lagagama qabsado, balse dhul dhulbahante ma rabto oo deked lahayn oo waxba lahayn, dhulbahante hays barto waa in laga baxaa dhulkaa Nugaal ee Jeneralkii Majeerteen yidhi ‘ maxaad ku dhimana oo difaacnaa’.

  2. Arintaas maaha mid wanaag keenaysa.
    Nidaam haduu meesha ka baxo fawdo iyo maliishiyo beeleedo ayaa ka dhasha.
    Isbaaro ayay isu bedelaysaa lagu baarto shacabka isaga goosha Puntland iyo Somaliland.
    Somaliland iyo Puntland maaha inu jiro wax u dhexeeya.
    Dhulbahante maanta Puntland ha kusoo biiraan haday daacad ka tahay waxay la qaylinayaan.

  3. rintaas maaha mid wanaag keenaysa.
    Nidaam haduu meesha ka baxo fawdo iyo maliishiyo beeleedo ayaa ka dhasha.
    Isbaaro ayay isu bedelaysaa lagu baarto shacabka isaga goosha Puntland iyo Somaliland.
    Somaliland iyo Puntland maaha inu jiro wax u dhexeeya.
    Dhulbahante maanta Puntland ha kusoo biiraan haday daacad ka tahay waxay la qaylinayaan.

  4. To: Reer SSC.

    “Hadimiyo dhibaatiyo,
    Gaajiyo harraad baa,
    Na hareera yaallee,

    Dhulkeenna hooyoo,
    Loo hagarbaxaabaa,
    Na haqabtiraayee

    Waa lamahuraanee,
    Hawlaha danteenna,
    Iyo halgankeenna,
    War yeynaan u kala harin

    Hayb hayb la sheegtiyo,
    Habar habar ma joogtee,
    Haween iyo rag maantaba,
    War yeynaan u kala harin,

    Heerkaynu joogniyo,
    Waxa lagu hammiyayaa,
    Kala haadaan weeyee,
    Hodan iyo barwaaqaba,
    Annigaysu haynnee

    Waa lamahuraanee,
    Hawlaha danteenna,
    Iyo halgankeenna,
    War yeynaan u kala harin”

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*