XOG DHEERAAD AH: Somaliland oo isku mari la’a Xaalka Gobalka Sool.

Sida ay xaqiijinayaan macluumaadka laga helayo Laascaano, guriga gobalka iyo hotel kuyaala magaaladaas, wada hadalo ay tan shalay ku lahaayeen xubnaha katirsan maamulka Somaliland ee kusugan magaalada iyo saraakiishooda ciidamada ayaa ilaa hadda mawqif mideysan ay ka gaari waayeen xaalka sida ay u wajahayaan, Xili Isimadda SSC iyo Bulshadu si cad u cadeysay mawqifkooda ay uga soo horjeedaan joogitaanka dhulkooda ee maamulkaas.

Xubnaha saraakiisha iyo wasiirada SL ee aan kasoo jeedin gobaladan ayaa soo jeediyey in la qaado talaabo ciidan oo looga hortagayo, waxay ugu yeereen dadka dawladnimada diidan, taas oo xalay muujisay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameeyeen xubnahan, gaar ahaana goobaha ay degan yihiin oo ay ku soo kordhiyeen ciidamo cusub.

Xubnaha kasoo jeeda gobaladan ee madasha fadhiyey ayaa soo jeediyey In magaalada laga saaro ciidamada aan u dhalan ee ka yimi Waqooyiga, taas oo ay diideen dhinaca wasiirada kale, laakiin askartii aan u dhalan gobaladan ee ku sugnaa gudaha magaalada ayaa baabuurta shacabka u raacay deegaanadooda oo ay ka baxeen Laascaanood, sida ay muujinayaan muuqaalo laga duubay.

2 saac kahor wada hadal gaar ah ayaa dhexmaray shaqsiyaadka kasoo jeeda gobalada SSC ee ku jira Somaliland iyo dhinaca kale, gaar ahaana saraakiisha ciidamada xukunta, labo aragtiyood ee shalay ayaa wali taagan, faahfaahin dheeraad ah wali kama soo bixin wada hadalkan.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Jambalka Isaaq loo tuurayo oo Ismaciil Cumar Geele ka soo shaqeeyay shacabka u soo bandhiga. Waxbadan ayaan ognahay, waa dulmi iyo garasho la’aan in shacabka Isaaq aysan ogayn oo laga qaraninayo. Ku Dayo Puntland iyo sidii arintan ay uga dabaasheen 2007.

    Isaaq waxaan leeyahay, yaan cadaawad la idin kala dhex dhigin idinka iyo Dhulbahante. Isaga baxa deegaanada SSC, waxa ku hoos duugan waa Horror iyo dib u dhac iyo dagaal aan dhamaan doonin. Shacabka Isaaqoow diida dagaalkan la hurinayo sida Shacabka Puntland u diideen back in 2007, Dooladoodana ugu qasbeen in ay Somaliland si hoose ula heshiiyaan. Caqliga ha shaqeeyo!

  2. Ilaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin.
    Police weeye waxa si ku meel gaadh ah u baxay oo amar la siiyay waana la yaqaan inaan Policeku arimahaa maarayn karin una tababarnayn ciddii ciidan wax ka taqaan.
    Milaterigu wuu u tababaran yahay arimahan iyo dagaalada,rabshadaha mana dhibaan sida Piliceka oo ay ku adagtahay.
    Meesha bandowgii laga qaaday,internetkii lasoo celiyay,milaterigii laga saaray magaalada dhexdeeda waa uga dareen,waana la darsayaa ifafaalaha markaas ayaa tallabadu imanaysaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*