DEG-DEG: Taliyihii sirdoonka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo la dilay

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dileen Taliyihii sirdoonka kooxda Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey guulihii ay todobaadkaan dowladdu ka gaartay dagaalka Alshabaab iyo deegaannada laga qabsaday kooxda.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in howlgal ciidan oo ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay lagu dilay 20 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee alshabaab, kuwaas oo ay ku jiraan labo horjooge, oo mid kamid ah ahaa Taliyaha sirdoonka Alshabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Ciidamada Xoogga dalka waxay howlgal ka fuliyeen deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay iyagoo halkaas ku dilay 20 xubnood oo katirsanaa kooxda khawaarijta ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, howgalkan ayaa sida la xaqiijiyay labo horooge oo sar sare oo mid kamid ah ahaa ninkii u qaabilsanaa arrimaha sirdoonka ee goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.”

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa xusay in weerarkii ay argagixisada Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Galcad ee Galmudug looga dilay ciidamada Dawladda 7 askari, oo uu kamid ahaa Taliye kuxigeenkii ciidanka DANAB.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*