Islaan Bashiir oo farriin u diray Isimmada SSC ee jooga Laascaanood

Islaan Bashiir Islaan Abdulle oo kamid ah Isimadda Puntland, gaar ahaana gobalka Mudug ayaa soo dhaweeyey kulanka Isimada dhaqanka gobalada SSC ay ku yeelanayaan magaalada Laascaanood.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Islaan Bashiir ku sheegay in uu u rajeeynayo shirka isimmada dhaqanka Dhulbahante in uu guuleysto, oo ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh bulshada deegaanadaas iyo Soomaali oo dhan.

“Waxaan halkaan ka bogaadinayaa Shirka Golaha Dhaqanka (Isimada) Dhulbahante ee la isugu tagay magaalada Laascaanood.”

“Ilaahay ha ka dhigo mid guulaysta oo ay ka soo baxaan go’aamo wax tar u leh beel weynta Dhulbahante iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.”

Shirka Isimmada dhaqanka goballada SSC oo gogal xaarkiisii ka bilowday Laascaanood ayaa si weyn isha loogu hayaa, xilli deegaannadaas uu ka jiro kacdoon bulsho oo la doonayo in looga saaro maamulka Somaliland.

15 sano kaddib, markii maamulka Somaliland ka qabsaday Puntland Laascaanood, waxaa magaalada dib ugu laabtay Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah Garaadka guud ee bulshada SSC, kaas oo beesha dhisatay Somaliland ee Isaaq ugu baaqay inay deegaankooda uga baxaan.

PUNTLAND TIMESĀ 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*