SAWIRRO: Booliska Puntland oo fagaare ku gubay khamri & xashiish fara-badan

Booliska gobolka Nugaal ayaa fagaare ku yaalla banaanka caasimadda Puntland ee Garoowe ku burburiyay khamri fara-badan iyo xashiish.

Khamrida oo dhan 850 dhalo iyo 26 duub oo xashiish ah, ayaa Ciidanka Boolisku ku qabteen howlgallo ay sameeyeen.

Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Nugaal, G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamadii khamrigan tirada badan iyo xashiishadan umadda ka soo qabtay.

G/Sare Xussen Cali ayaa walidiinta ugu baaqay inay Guryahooda,Gadiidkooda iyo Caruurtooda la socdaan si waxay quudanayaan iyo saqada ay la baxayaan xalaal ugu noqoto.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ayaa shegay in Gurigii danbe ee lagu qabto Mandooriye inay dowladu la wareegayso sida Gadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladu ula wareegtay.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. War hooy amniga hala ilaashado inta somaliland loosii xoogweyn yaha tuugadii alshabaab kii wixii dhanbaa gacanta ka bixi kara. Waxaan cidaan looga dacwoodo lahayn wa waxa somalia ka taagan

  2. Dhulbahantaha manta kadaba dhaqdhaq leedihiin inuu idinka idin dumiyo anaa kutusi doono indhahaagana waku arki doontaa

  3. Yacni,waxaas soo dhalo ah la jajebiye soo dadka iyo noolaha kale dhib uma geysandoonto?
    Maa si nidaam leh loo burburiyo.
    Alla! Markasta waxaan iloowbaa in dadkayga nidaamba aqoonin oo waxkasta laab la kac yahay.

    Mida kale, khamriga iyo maandooriyaasha kala duwan waxay galaan xukunka fasahaadka,si loo joojiyo waa in toogasho lagu fuliyaa kuwa ka ganacsado,hadii kale Puntland oo khamri iyo fasahaad noqotay ayaa la arki doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*