DAAWO: MW Xassan oo argagixiso ku tilmaamay inta badan ‘Askarta dowladda’

Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in askari kasta oo kamid ah ciidamada dowladda, isticmaalana balwad (maandooriye) uu yahay xubin argagixiso oo cadow ku ah bad qabka ciidamada, ayna iska qabtaan. Inta badan askarta dowladda ayaa isticmaala balwada oo ay ugu weyn yihiin qaadka iyo khamrida laga keeno dalalka dariska ah.

Isagoo ka hadlayay fagaare ay ku sugnaayeen boqolaal askari oo la sheegay inay ku wajahan yihiin jiidaha hore ee dagaalka, ayuu tilmaamay in askar balwada leh ay ka shaqeeyaan dilka iyo qarxinta ciidamada, waxaana uu intaa ku daray in laga saari doono ciidamada, uuna si khaldan kusoo galay.

“Nin balwad la wareegaya ciidanka dhexdiisa hadaad arakto, Shabaab buu u adeega waa cadow qabo, waa kii in lagu dilo ka shaqeeynaayay, in lagu qarxiyo ka shaqeynaayay, ninkii lagu arko inuu balwad leeyahayna wuu iska tagayaa, nagama tirsana si khaladu kusoo galay” ayuu yiri MW Xassan Sheekh.

Askarta ku cusub Ciidamada dowladda, ee tababarku u socdo ayuu sheegay in shuruudaha lagu soo xulay ay kamid tahay in aysan balwad lahayn. Xassan ayaa xusay in balwadu tahay cudur u daran dadnimada, qoyska, dhaqaalaha iyo Diinta qofka, waxaana uu sheegay in jabka ciidamada soo gaaro ka dhasho balwada.

Hadalka MW Xassan Sheekh ee ku wajahan diidmada balwada, ayaa imaanaya xilli dowladda uu hoggaaminayo ay bilowgii xukunkiisa dib u sii daysay qaadka Kenya oo ah mid dhaqan iyo dhaqaale ahaan burburiyay dalka, qoyska Madaxweynaha ayaana malaayiin dollar ka sameeya bil kastaa keenista qaadka.

PUNTLAND TIMESĀ 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*