Xiisad dagaal oo taagan Muqdisho, & boobka dhulka oo si xowli ah u socda

Xiisad ka dhalatay amar kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya, oo ku aadan baneynta dhulka xarunta Dab-damiska ayaa ka taagan Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xarunta Dab-damiska oo ay degan yihiin boqolaal qoys oo shacab ah, kuwaas oo gabaadsanayay tan iyo burburkii dowladdii milateriga. Dadkan ayaa diiday amarka dowladda, iyagoo sheegay in aysan haysan meel kale oo ay degaan.

Booliska ayaa sheegay in barakicinta xarunta Dab-damiska ay ku timid kaddib markii la helay mashruuc dib loogu dhisay, si ay ugu shaqeeyaan ciidamada dab-damiska Muqdisho. Waxaana Taliska Boolisku u qabteen ilaa 20 April oo ku beegan berri shacabka degan kaga guuraan xaruntan.

PuntlandTimes, ayaa heshay xog rasmi ah oo muujinaysa in badi dhulkan laga iibinayo ganacsato gacan saar la leh Madaxweyne Xassan Sheekh, kuwaas oo qaarkood dayn lacageed siiyeen Madaxweynaha intii uu ku jiray olalaha doorashada ee May 2022.

Hub aruursi ayaa la sheegay inuu ka socdo gudaha xarunta dab-damiska, kaas oo ay sameynayaa ciidamo dowladda katirsan iyo maleeshiyaad beeleed taabacsan dadka degan, halka dhanka dowladdana la sheegay inay diyaarisay ciidamo awood u adeegsaday barakicinta dadkan.

Dadaalo la doonayo in lagu dajiyo xiisadan, loogana baaqsado dagaal dhaca berri ayaa hadda ka socda Muqdisho, kuwaas oo uu hormuud u yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo maanta tagay Muqdisho, balse lama oga inuu miro dhal noqon doono, si looga joogsado dhiig daata.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. Xasan gurguurte iyo xertiisa Hawiye naarerd dowladnimo waxay u maleeyaan Tuuganimo,Bal fiiririya qolodan Sacad habargidir sheegta 1991 dii ilaa iyo hadda waxay degan yihiin dhulka dantaguud,mana rabaan inay ka guuraan,Xasan Xoolo asaguna qorshahiisa waa inuu xaraasho afarta sanno oo uu meesha joogo dhulalka dowlad ay leedahay si uu jeebkiisa ugu shubto dhamaantooda waa tuugo oo aan Allah ka cabsan.in Yar baa ka fakatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*