UPDATE: Wasiiro ka socda DFS oo tagaya Gaalkacyo, & Puntland oo diidan

Wafti ka socda DFS ayaa maalmaha soo socda tagi doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, oo ay labadeeda gadi ka arimiyaan Puntland iyo Galmudug. Waftiga oo u badan Wasiiro iyo Xildhibaan heer Federaal ah ayaa ka degi doono Koonfurta Gaalkacyo oo Galmudug.

Wararka ayaa sheegay in xubnaha tagaya Gaalkacyo ay kamid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, iyo Duulista Hawada. Ujeedada socdaalkooda ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeybgalka shirar dib-u-heshiisiin ah oo ay yeelanayaan labo beelood oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo ay dhexmareen dagaallo xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Sida ay heshay Puntlandtimes, xubnaha ayaa inta ay joogaan Gaalkacyo doonaya inay ku qabtaan kulamo siyaasadeed, oo qaarkood lagu taageerayo DFS iyo dastuurka cusub, balse Puntland ayaa la xaqiijiyay inay si adag uga soo horjeedo inay wafti heer Federaal ah ay soo galaan waqooyiga Gaalkacyo, ayna ka sameeyaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Dhowaan, Puntland ayaa si ba’an u diiday isbedel ka lagu sameeyay dastuurka dalka, waxaana ay xiriirka u jartay DFS, iyadoo kalsoonida kala laabatay Xassan Sheekh oo ay u aqoonsatay Madaxweyne hore. Imaanshaha xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ah ayaa loo arkaa mid siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland.

PUNTLAND TIMESĀ 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*