DAAWO: Itoobiya miyey mudan tahay gorgortan Badda ah in lala galo, Xogta xalka dhexe ee lawado & aamusta Soomaaliya!

Itoobiya, waxay si xawli ah uga shaqeynaysaa oo ay ugu mashquulsan tahay galka la xariira sidii ay meelmar uga dhigi lahayd ajendaheeda Qaran ee kuwajahan in ay shacabkeeda 120Malyan kor usii dhaafaya u hesho qeyb kamid ah Marin ay kagasho Baddaha dalalka deriska la ah, taasna ay Itoobiya uga mid noqoto dalalka leh Biyo badeedka muhiimka ah, waqtigan oo ay dunidu usii gudbaysa dagaalo aan dhamaad laheyn, salkooda u dambeeyana aan cidna suureyn karin, bilowgii Sannadkan RW Itoobiya ayaa ku dhiiraday in uu Madaxweynaha SL la galo Is afgarad ku wajahan in dalkiisa uu saldhig milateri ka helo xeebaha gobalka Awdal ee ay kataliso Somaliland, inkasta oo ay ka dhalatay Xiisad caalami ah oo dunida badankeed ay ka qeylo dhaamisay Is afgaradkaas oo daganaanshaha gobalka halis ku ahaa, haddana mida la hubo waa in aysan jirin in Addis Ababa hadda ka joogsatay albaabkaas oo ay xirtay, si lamid ah sida ay uga cabsatay dhinaca Eritrea oo markii hore ahaa dookha 1aad ee Itoobiyaanka ay haysteen.

Soomaaliya, inkasta oo ay hoggaamiyasheeda siyaasaddu ku kala tagsan yihiin arrimaha gudahooda, haddana galkan sida ay dawladda Faderaalka u maaraynayso hadda waxaa soo wajahay mugdi xoog badan, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa labo goor oo kale duwan oo ka dambeeyey saxiixa Is afgaradkan sheegay in ay dhankooda ogol yihiin in ay Itoobiya ula macaamilaan si caalami ah, laakiin saxiixa Muuse Biixi aan loo daliishan karin qaadashada ama galida biyaha Soomaaliya, waa run iyo xaqiiqo in Is afgaradkii Biixi halis ku ahaa daganaanshaha mandiqada iyo asalka Soomaalida, haddana tan la hubo waa in uu MW Xassan ku qasbanaa raadinta xoog mideysan oo laga horgeeyo kan Itoobiya, laakiin dad badan ayaa aaminsan in Villa Somalia ay afka saartay jiho mugdi ah oo aan aheyn midka Midnimada ee ay hoggaamiyayaasha Itoobiya dadkooda ugu raadinayaan wax aysan xaq iyo xaquuq midna u laheyn.

SOOMAALIYA: waxay gashay wada hadalo qarsoodi ah, oo ay dadkeeda uga warami la’adahay!

Bilowgii March, 6 ilaa 5 xubnood kasocda saami qeybsiga madaxweyne Xassan SHeekh ayaa tagey Nairobi, iyagoo u safray la hadalka wafdi kasocday dhinaca Itoobiya, labada dhinacba waxaa dhexdhexaadisay Kenya, waa laysku fahmi waayay shirkan, dawladda Soomaaliyana shacabka iyo golayaasheeda wax war ah kama siinin, marka laga reebo in ay kuqanceen warbaahinta intii ay ka qortay, inkasta oo lagu kala aragti duwnaaday sida loo xulay saraakiisha miiska tagtay, haddana mawqifka guud ilaa ugu dambeyn wey ku adkeysteen xubnahan in aysan ka leexan, taas oo kaliftay in wada hadaladii Naiorbi ay mira dhal noqon waayeen.

 

Maalin kahor, Kenya waxaa tagey madaxweyne Xassan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Kenya Wilam Ruto, inkasta oo aysan dawladda Soomaaliya sheegin wax la xariira arrimaha Badda in laga hadlay, haddana warbaahinta caalamiga ah oo xiganaysa dhinaca dawladda kenya ayaa sheegtay in laga hadlay sidii ay Soomaaliya & Itoobiya u wada hadli lahaayeen, una heli lahaayeen xal dhexe oo ay ku wadaagaan biyaha badda ee ay Itoobiya xooga ku raadinayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*