DAAWO: Nuxurka wada hadalka Hargeysa ee Itoobiya & Somaliland, qodobada laysku hayo, damanaanta Biixi & damaca Itoobiya.

HARGEYSA(P-TIMES)- Sida aysheegayaan wararka laga helayo magaalada Hargeysa, 48 saac ee lasoo dhaafay ay Itoobiya u dirtay Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Hargeysa xubmo sare oo kasocda Sirdoonka & Xaafiisak RW Itoobiya, oo ay la kulmeen madaxda Somaliland, gaar ahaana madaxweyne biixi oo ay hordhigeen doonistooda markale ku wajahan xaaladda damaca ee badda Soomaaliya, Is afgaradkii ay agareen iyo nooca ay u doonayaan in loo dhigo heshiiska ay dhinacyadu iosku dayayaan in ay gaaraan, xili waliba cadaadis xoogan uu saaran yahay dhinaca Addis Ababa kaas oo ka imaanaya dalalka Caalamka, laguna ogeysiinayo in ay ficiladeedu abuuri doonaan talaabooyin halis ku ah daganaanshaha amniga Geeska afrika.

Sida ay cadeynayaan saraakiil xogogaal ah oo katirsan labada dhinacba, waxay kulamada Hargeysa badankood diirada kusaarayeen in aysan Itoobiya xiiseyn in laga wareejiyo deegaanka Lughaye iyo xeebaha gobalka Awdal oo ay u aragto aag muhiim u ah ku dhawaanshaha gacanka Cadmeed ama badda Cas, taas bedelkeedana ay Somaliland wax badan oo kale u ogoshahay, laakiin aysan aqbali karin goob ka durugsan aaga ku dhaw xaduud beeneedka labada dhinac.

SOMALILAND: oo ku adkeysanaysa in ay Aqoonsi hesho!

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku jira mudo dhaafka xukunkiisa ayaa guddiga gaar ah oo u saaray kasoo talo bixinta heshiiska Itoobiya iyo qodobada la qorayo u muuqdaan in ay isku fahmi la’ayihiin dhinaca Addis Ababa nuxurka sida lo qorayo, goobta iyo waxa ay Somaliland ku bedelan karto saldhigyada ciidan ee ay siinayso Itoobiya, xili ay si xoogan shacabka Soomaaliyeed u diideen damacaas.

Xubno kamid ah guddiga oo la hadlay GAYLAN-MEDIA ayaa sheegay ina ysan marnaba aqbaleynin saxiixida heshiiska, haddii aan lagu qorin aqoonsi ay SL ku bedelanayso saldhiga ciidan, balse haddii aqoonsiga eraygiisa la qeexi waayo ay ka dhignaanayso in Saldhig ciidan aysan siineyn dhinaca Itoobiya, aragtidaas oo ahayd mida ay gudbiyeen xubnaha guddigan oo qeybaha bulshada la kulmayay maalmihii lasoo dhaafay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*