CAAFİMAAD İYO CADAALAD BAY RABTAA!

AFEEF: Maqaalkan kama turjumayo Aragtida Warbaahinta PuntlandTimes, waxaa iska leh xaquuqdiisa Qoraha ku saxiixan.

WAXAA QORAY: Mahad Bashir Samatar

Qowmiyadda Soomaalidu  waxay caan ku tahay oo lagu ammaanaa  in ay yihiin ummad ay midayso Taariikh, Deegaan , Dhaqan ,Af iyo Diin waliba ah hal mad-hab oo Shaafici ah  , waxaa sii dheer in ay yihiin Soomaalidu  Ummad u badan xidid  iyo xigto .

Waxaa lagu ammaanay  in Soomaalidu ahayd   qawmiyad dhaqankeedu ku dhisanyahay anshax iyo akhlaaq wanaagsan haddana marka dhinac kale laga fiirsho waxaa kuu soo baxaysa in dhaqankeenii hore  ee ku dhisnaa wanaagga iyo cadaaladdaba uu waqtigan noqday mid meesha kasii baxaya .

Waxaa kuusoo baxaysa in Umaddeena waqtigan joogta ay yihiin  kuwo ka fog cadaalad u sameynta marka uu yimaado khaladaad dhexdooda ah taas oo ah  wax qofkastoo damiir leh taabanaya marka aysan cadaalad jirin.

Diinta İslaamka cadaaladdu waxay kaga jirtaa door aad muhiim u ah, waana mowduuc weyn oo xariir la leh dhinacyo badan sida bulshada, hogaanka iyo dhaqaalaha waxaana lagu sheegay Qur’aanka Kariimka  iyo Sunnaha.

Nabigeenna Muxammad (NNKH) wuxuu yiri “ toddobada qof ee aakhira harka ilaaheey harsanaya waxaa kamid ah shakhsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay” Waxaa markaas muhiimadda xadiisku tahay  in cadaalad darada laga fogaado.

Haddii  aan usoo guda galo ujeedka qoraalkan ,iyo sababta igu dhalisay in aan qoro Maqaalkan ayaa ah qiso aad u foolxun oo laga naxo ,taasi oo qabsatay Gabadh Soomaaliyeed oo da’yar ah , iftiinna u ahayd bulshadeeda iyo Umadda Soomaaliyeedba .

Fa’izo Sh. Maxamed Sh. Cabdi Xayi waa gabadh Soomaaliyeed oo da’ahaan jirta 16 sano ,  ku nooleyd waxna ka baran jirtay magaalada Garoowe oo caasumad u ah maamul goboleedka Puntland, waxayna la nooleyd adeerradeed sida uu iisheegay Aabbe Sh. Maxamed Sh. Cabdi Xayi oo ah Aabbaha dhalay Fa’izo , walow qoyskooda ay deegaan ahaan dagan yihiin magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer . Walaasheen Fa’izo waxay safar ku aadday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul goboleedka Puntland halkaas oo ay u aadday qaraabo salaan sida aan kasoo xigtay Aabbaheed Sh. Maxamed, laakiin Waxaa dhacday  intii ay safarkeedii ku jirtay in dhib loo geystay , dhibkaasoo isugu jiray kufsi iyo dil isla gudaha magaalada Boosaaso , waxaana ugeystay dhibkaas walaasheen Fa’izo askari ka tirsan askarta maamul goboleedka Puntland, intaas waxaa sii dheer  in aysan walaasheen cadaalad helin xag maamul ahaaneed ama dhinacca maamulkii xilku ka saarnaa arrintan ee Aakhiro iyo Aduunba lagala xisaabtameyey , maadaama askari muumulka ka amarqaata uu dhibka geystay  iyo xagga qoyskii gabadha dhibka ugeystayba aysan si daahfuran ugu istaagin arintan , madaama soomaalidu dhaqan uleedahay dhibka dhaca inay si qabiil ah uga wada xaalaan sida Aabe MaxamadSh.Cabdi  Xayi  uu iisheegay mar aan ku booqday İsbitaal kuyaala magaalada İstanbul, ee dalka Turkiga  oo uu kula tacaalayo xaalada Fa’izo.

Aabe Sh. Maxamed wuxuu ii xaqiijiyey in dhibkaan gabadhiisa ku dhacay mudo dhan saddex bil, laakiin aysan ilaa hada jirin cid kala xaajootay dhibkii loogaystay taasna waxay kutusinaysaah cadaalad darrada baahsan ee loo geystay Fa’izo iyo  qoyskeeda.justitia

Aabe Maxamed Sh. Cabdi Xayi  wuxuu iisheegay inay Fa’izo gashay sagaal qalliin(9 qalniin), Saddex ay ku gashay Boosaaso, Saddex  kalana loogu sameeyey magaalada Muqdisho iyo sadex ay ku gashay magaalada İstanbul oo intasba ay kaqeybqaateen walaalaha soomaaliyeed ee samaha jecel, ugu danbayntiina rajo wanag  lagu guulaystay in xaaladeeda caafimaad wax laga qabto.

Aabe Maxamad  wuxuu  iisheegay in uu uga  mahadcelinayo qofkastoo islaam ah oo gacan gagaystay kuna caawiyey inay meesha ay maantay joogto soogaarto walaasheen Fa’izo guud ahaan Soomaalida oo dhan gaar ahaan guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Mogadisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo naxariis Soomaalinimo , Islaannimo iyo bini’aadannimaba u muujiyey madaama qoyskeeda uu yahay qoys danyar ah oo aan awoodin inay qarashaadkaas oo dhan baxiyaan.

Intii aan la joogay Isbitaalka Aabaha iyo hooyada dhashay Fa’izo waxaa ka muuqday indhahooda rajo aad uweyn oo ay kaqabaan caafimaadka walaasheen fa’izo maadaama ay kasooraynayso sidii hore.

Cadaalad darada Fa’izo lagu sameeyey waxaa dheer in uu jiray iskuday dad badani ka  qeybqaateen oo la rabay in la fakiyo dhagar qabihii dhibka u geystay Fa’izo ,laakiin dadaal ay sameeyeen ehellada Fa’izo iyo xog ay lawadaageen maamulka Jubbaland waxaa lagu guulaystay in maamulka Jubbaland ay sooqabtaan askarigii dhibkaan geystay asaga oo ku dhuumaalaysanaya Kismaayo, markaas kadib eheladii Fa’izo waxay codsadeen in dhagar qabaha loogu dhiibo Dowlada dhexe ee Soomaaliya sida uu iisheegay Aabaha dhalay Fa’izo, laakiin maamulka Jubbaland ma yeelin oo waxay u dhiibeen maamulkii uu ka tirsanaa.

Aabe Sh. Maxamad wuxuu iisheegay markii maamulka Puntland loo dhiibay dhagarqabihii  inay ugu wardanbaysay arinta dhagabarqabaha , illaa haddana aysan wax xog ah ka  heyn inuu xiranyahay , in lasii daayey iyo in kale asaga oo ah Aabihii dhalay dhibane Fa’izo oo la rabay in arintan cidi uga sokayn.

Qisadaas aan soo weriyey ee qabsatay walaasheen Faa’izo waa mid sumcad xumo ku ah dhaqankeenna, sharafteenna iyo sidoo kale Soomalinimadeena iyo Islaamnimadeena.

Ma xay ku dhacday in gabadh maskiin ah uu ruux dambiile ah kufsi uu rabay darted uu u dilo , waliba uu xabbad kaga dhufto xubinta taranka oo ah arin kale oo aad looga sii naxo.

Dhib kastaba waa uu dhacaa, balse su’aashu waxa ay tahay ma qaadannay mas’uuliyadda dhibkaas, dadkii magaallada dhibkani ka dhacay dusha ma u riteen dhibka dhacay, maka jawaabeen , xaqqii gabadha ma siiyeen , ma daweeyeen gabadha?

Su’aalahaasi oo dhann Aabbaha gabadha ayaa ka jawaabay ayey ila tahay, waxaase daba taalla aaway dadkii khayrka jeclaa ,ee cullimada, aqoonyahanada, wax garadka bulshada iyo samafalayaasha isugu jiray ee Joogay Boosaaso , magaallada ugu hanti badan Puntland, wax kale ma awoodi waayeen xattaa in ay gabadhaas cadaallad ha joogtee ay caafimaadkeeda ka caawiyaan , isbitaal geeyaan oo la tacaalaan maadaama dhibku loogu gaystay magaalladoodii , !! nasiib xumo ma aysan samayn taas , wuxuu ilaahay qaddaray in Gudoomiye 700 oo Km meel ka fog ka arrimiya uu arintii gabadha u kacay oo uu caawiyey kharashkiina ka bixiyey!!

Ma waysan ceeb ku ahayn Boosaaso iyo Puntlandba in caddaaladi haba joogtee in gabadhaasi caafimaad inaga heli wayday?!

Waxaa haboon in arintan si wanaagsan loo lafa guro , aan laga aamusin eeddeedana la qaato , qoraalkan ujeedkiisuna waxa uu ahaa in aan ummadda Soomaliyeed usoo bandhigo xaalladan foosha xun ee dhacday , gabadhaas walaasheena oo tacadiyadda foosha xun loogeystay aan ugu gargaaro waxa aan awoodo ,haba ugu yaraato in aan idinla wadaagay , qofkasta oo qoraalkan akhriyana uu mas’uuliyad iska saaro in uu gabadhaas xaqeeda u raadiyo .

Faa’izo caafimaad waa ay helaysaa oo hadda si wanaagsan ayay usoo raysanaysaa, balse Caafimaad aysan cadaalad la socon ,aysan garanayn sababtii loo dilay wax ay ku caafimaadayso ma ahan .!

Gebegebadii waxaan oran lahaa “

“Faa’izo Eebbana Caafimaad bay ka bariday  annaga caddaaladba bay naga bariday”.

W/Q Mahad Bashir Samatar

Ema’il : msamatar17@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*