Hababka Lagu joojin karro Ilaha ay dhaqaalaha ka heleen kooxaha Argagixisi (Al Shabaab)

AFEEF: Maqaalkan kama turjumayo Aragtida Warbaahinta PuntlandTimes, waxaa iska leh xaquuqdiisa Qoraha ku saxiixan.
WAXAA QORAY: Mahad Bashir Samatar

Hababka Lagu joojin karro Ilaha ay dhaqaalaha ka heleen kooxaha Argagixisi (Al Shabaab)

Qaranigan la joogo wax kasta waxaa laf dhabar u ah jiritaankooda helidda ilo dhaqaale. Koox walba ama dawlad ha ahaato, ama argagixiso ha ahaatee Ilaha dhaqaaluhu waa kuwa u sababa socodsiinta hawlohooda maalinla ah iyo waaritaankooda danbe.

Koox aan dhaqaale la hayni waa koox sii jiritaankoodu muran geli karo sidoo kale ay sahlantahay in laga adkaado.

Haddaba mawduucan aan ugu magac daray Xiridda ilaha dhaqaale ee kooxda argagixisada Alshabaab, waxa aan ugu tala galay in aan ku bayaamiyo dhawrka ilood ama resource ee ugu muhiimsan ee aan oran karo way ku tiirsanyihiin kooxdan argagixisada ah ee dhiigga ummadda ka macaashta.

Bayaaminta ilahaas iyo ka hortagooddu kama duwana dagaal toos ah oo lala galo kooxdan.

Dagaal dhaqaale kama duwana dagaal toos ah, balse waxaaba la oran karaa dagaalka dhaqaale ayaa siyaabo kala duwan ka natiijo fiicnaan kara dagaalka tooska ah.

Haddaba halkan waxaan kusoo koobayaa hababka ugu macquulsan ee loo wiiqi karo ilaha dhaqaale ee kooxdan

1-Xoojinta dabagalka canshuuraadka la siiyo Alshabab.

Isha ugu wayn ee kooxdani isku dhaqaalayso waa canshuuraadka, khaasatan canshuuraadka ay sida baadda ah ama sida iskood ah loo siiyo ee magaalada Muqdisho.

Magaaladda muqdisho waxaa xukuma dawladda waxaasi arrin la yaab ah noqonaysa in kooxdan Argagixiso ay canshuurta ugu badan ka soo xarayso magaaladan.

Haddabba dawladdu waxaa muhiim ah in ay 100% ku dadaasho in ilaaliso in magaaladan aan si dadban iyo toos ahba kooxdani lacag uga samayn.

Waxaa muhiim ah in dawladdu ciidamo dharcad u samayso dabagalka cid kasta oo u qaabilsan arinkan, sidaasna lagu cabsi galiyo in kooxda aruurisa lacagtani aysan ku badbaadayn magaalada.

Sidoo kale in dadka magaalada lagu qanciyo in ay soo sheegaan cid kasta oo kooxdan ka tirsan, iyada oo dawladdu balanqaadayso badqabka iyo badbaadada dadka arrinkan ku dhiirada.

Waxaa kaloo furan in ganaax iyo ciqaab la dulsaaro cid kasta oo lagu ogaado in ay kooxdan lacag siiyey, maadama ay ka qabyb qaadanayaan duminta waddanka.

2-Hakinta Wax dhoofinta dibbadda ee gobollada ay Alshabaab xoogga ku haysato.

Dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha ayaa lagu tilmaamaa in ay sidoo kale yihiin waxyaaba ah ka macaashaan kooxdaan.

Waxaa muhiim ah in dawlladu iyada oo hagaajinaysa calaqadka dibadda ay aad isu hawsho joojinta iyo dabagalka cid kasta oo qayb ka ah dhoofinta ka ganacsida khayraadkaas.

3- Qabashada magaalooyinka ugu muhiimsan dhanka ilaha dhaqaale ee kooxdan.

In aad awoodda saartid qabashada isha biyuhu kasoo burqanayaan waxa ay bilow u tahay istaajinta awoodda dhaqaale iyo awoodda militari ee kooxdan.

Waxaa muhiim ah in dawlladdu awoodda isugu gayso in ay awood militari ku qabato magaalooyinka ugu badan ee ay dhaqaalaha ka helaan kooxdani sida Magaloyinka shabelada hoose ee ku yaal isgoysyada kala duwan, sidoo kale Ceelbuur, Jilib iyo deeganada kale ee kooxdan lacagta ka samayso.

Waxaan halkan kusoo koobayaa maqaalkan qaybtiisa koowaad oo aan kaga hadlayey joojinta ilaha dhaqaale ee kooxda Argagixisada Alshabaab.

Waxaan qaybo kale kaga hadli doontaa dhinacyo kale oo ku saabsan wiiqidda kooxan argqgixisada ah ee Alshabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*