DAAWO: SSC-Khaatumo oo ku eedeysay DFS inay Somaliland marsiisay maashaariic ay lahaayeen

LAASCAANOOD (P-TIMES) Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka cabanaya Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay dayacday doorkeedii dadka deegaanka, haddana ay hordhigtay xujo cusub oo ah inay la hadlaan Beesha Caalamka.

Hoggaamiye kuxigeenka maamulka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Shiine oo saxaafadda kula hadlayay Laascaanood ayaa ku eedeeyay DFS in mashaariicdii deegaanadooda ay marisay dhinaca maamulka Somaliland.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dadka deegaanka SSC-Khaatumo u dirtay assigmentiyo ( Xujjo) badan ,halka maamuladda dhigooda ah waqti iyo hantiba ay ku bixisay dawladdu inay dhisto waliba dhulkoodana gacanta u galiso kuna bixisay dawladdu hanti ,iyo waqtiba ilaa maantana la garab taagantahay Dadka deegannada SSC-Khaatumo Iyagaa dawladooda dhistay Iyagaa dhulkoodana xoraystay in dawladdu markale Assigment u dirto oo mashaariic dooda leexiso wax caqli gali karaya maha wax saxanna maaha.”

“Mashaariicda Somaliland loo marinayo SSC-Khaatumo, xagee ayey ka fulinaysaa Somaliland ma dhulkayaga ayey maamushaa mise waxay rabtaa dawladdu in la lacageeyo oo saanad iyo hub nalakula dagaalamo ay noqdeen mashaariicdayada” ayuu yiri kuxigeenka Hoggaamiyaha SSC.

Dhawaan mashruuca waxbarashada oo dhamaa 60malyan oo Dollar oo ay Soomaaliya heshay, ayay Xukuumadda Federaalka dhinaca Somaliland qoondo ahaan u siisay 27malyan oo dollar, taas oo muujinaysa in dhinaca SSC qoondooda xaggaas lagu daray.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*