AKHRISO: MW Deni oo magacaabis sameeyay

GAROOWE (P-TIMES) Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa lagu magacaabay La-taliyayaal cusub oo uu yeelan doono Siciid Cabdullaahi Deni. Xubnaha oo kamid ahaa saaxiibada Deni ee kala shaqeeyay olalihiisii dib u doorashada ayaa loo kala magacaabay:

Axmed Cabdi Hurre – ayaa loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee siyaasadda iyo xiriirka dadweynaha, halka Cabdi Cabdullaahi Goley loo magacaabay La-taliyaha arrimaha siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Hoos ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 004 ee 24-ka Maarso 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliyayaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida La-taliyayaasha Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dib u Heshiisiinta.

2. Waxaa Axmed Cabdi Maxamuud (Hurre) loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

PUNTLAND TIMESĀ 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*