DAAWO: Xassan Sh oo Aaden Madoobe ku qasbaya in deg deg lagu meelmariyo Dastuurka lagu muransan yahay

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan ku saaraya guddoonka baarlamaanka iyo Guddiyada dibu eegista dastuurka kashaqeynayay, in todobaadka dambe cod loo qaado 4 cutub ee ay dooda galiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyada ayaa sheegay in ay u baahan yihiin ugu yaraan mudo dhan 6 todobaad, si dhammaan aragtiyihii xildhibaanada soo jeediyeen loogu daro dastuurka, ayna kale oo rabaan in ay dhageystaan codka shacabka iyo Dawlad gobaleedyada, laakiin MW Xassan Sheekh ayaa taasi diiday, wuxuuna sheegay in cutubka 4-aad uu doonayo in Isniinta todobaadka dambe lameelmariyo.

Gudoomiyaha golaha shacabka kaga cagajiidayay mashruucan, sheegayayna markii hore in kooram aan laheli karin, ayaa markii ay gaar isku arkeen MW, taageero u muujiyey soojeedinta Xassan Sheekh.

Tani, waxay muujinaysaa sida Madaxweynuhu u doonayo marida dhabaha ay ka digayaan siyaasiinta iyo madaxdii hore.

1 Comment

  1. Meeshaan dowlad kama jirto, xamar unukaa iska leh ayaa sicoto,qof walba deegaankiis ha dhisto

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*