DAAWO: MW Xassan,ma la imaan doonaa Istaarajiyad dagaal mise gumaadka Saraakiisha Milateri ayuu eegan doona

Tan iyo markii uu bilowday duullaankii kadiska ahaa ee ka dhanka ah argagixisada AlShabaab, kana bilowday dagaalkii ka dhex qarxay August 2022 dadka reer Hiiraan iyo Alshabaab, waxaa kordhayay leynta alshabaab ee saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan jiidaha dagaalka.

In kabadan 30 sarkaal ayaa lagu waayay dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo qeybtood muhiim u ahaa dhismaha ciidamada dowladda, waxaana dhimashadooda loo aaneynayaa dayac ba’an iyo inay meesha ka baxday isla xisaabtanka dhacdooyinka soo laablaabtay ee lagu laayay saraakiisha.

MW Xassan Sheekh oo howlgalka la-dagaallanka Al-shabaab kula baxay magaca “Dal Xorreeye”, ayaa lagu eedeeyay in uu shaqsiyadeeyay howlgalka argagixisada lagula dagaalamayo, taasna ay keentay in markii uu u jiheystay sameynta dastuurka ee ka socota Baarlamaanka DFS, uu istaagay howlgalkii argixisada, iyadoo alshabaab fursad u hesho beegsiga xeryaha ciidan ee dowladda.

Badi deegaanadii laga saaray Al-Shabaab ayaa hadda dib ugu noqday gacanta argagixisada, waxaana deegaanada qaar laga soo tabinayaa in dadku kala kulmayaan kooxda cabsi iyo ciqaab ay ku muteysteen soo dhaweynta ciidanka u tagay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*