DAAWO: Dekedda Garacad oo si dardar leh u shaqeynaysa & Markab weyn oo ku xirtay

default

Markabka xamuulka qaada ee MV KAYAN, ayaa kusoo xirtay Dekedda Garacad ee gobalka Mudug oo lagu dhisay isku-tashi bulsho, haddana qeybihii ugu dambeeyay ay marayaan gabagabo. Markabkan oo u rarnaa gacansato Soomaaliyeed ayaa sida 120 kunteenar oo ay ku jiraan badeecado kala duwan.

Sidoo kale, Doon u raran ganacsato ayaa ku xiritay Dekedda, oo shaqadeedu si habsami leh u socoto. maamulka dekedda ayaa sheegay inay dardargeliyeen adeegga dekedda, si ganacsatadu fursad ugu hesho inay wax dhoofiyaan, ayna kala soo degaan.

Garacad oo mar ahayd riyo ay dadka Reer Puntland lahaayeen, ayaa bilihii u dambeeyay martigelinaysay dajinta maraakiib xamuul ah, kuwaas oo badeecadaha ay wadaan ay horey ganacsatada Puntland ugala degi jireen dekedda Berbera ee maamulka Somaliland.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*