DAAWO: Hoggaamiyaha ku nool Geeska Afrika ee sannad kasta Colaada & Dagaal ku jira?

Dagaalo qadhaadh ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya. Deegaanka Amxaarada ee waqooyiga dalkaasi ayaa mar kale martigelinaya wareeggii labad ee colaad socotay tan iyo sannadkii hore. Mar kan se dagaalku waxa uu si toos ah uga socdaa gudaha iyo gudha caasiamdda deegaankaasi ee magaalada Bahir-Dar.

Dawladda Itiobiya iyo jabhadda Fano oo mar ahayd garabka ugu weyn ee ay haysatay Addis Ababa, gaar ahaan intii lagu guda jiray colaaddii Tigree ayaa hadda noqday col daahoodu go’ay.

Bishii April ee sannadkii hore ayaa dagaal ba’an ka qarxay inta badan deegaanka Amxaarada kaddib markii ciidanka Fano ee hore dawladdu u hubaysay ay diideen in lagu lagu sameeyo hub-ka-dhigis.

Abiy Axmed rayalsawsaaraha Itoobiya ayaa badhtanka kaga jira colaado is xigxigay laga soo bilaabo 2018 oo ahayd markii hoggaamiye ka soo jeeda qoomiyadda Oromadu uu qabto jagada ugu sarraysa Itoobiya.

Warbixintan waxa aynu ku fiirin doonnaa xaaladda guud ee colaadda ka aloosan gudaha Itoobiya, xiisadda gobolka, sida uu Abiy Axmed ma ka ku dhiirran karo dagaal caalami ah oo uu bannaanka uga saaro dalkiisa iyo weyddiinta ah Itoobiyada is cunaysaa ma ka dabbaalan kartaa dagaal ka dhasha damaca bad-raadiska ah ee uu horseedka uga yahay raysalwasaarahoodu.

Yaa isku dilaya waqooyiga Itoobiya?

Bishii April ee sannadkii la soo dhaafay hoggaamiyaha Itoobiya oo aan gacmihiisa weli ka qallalin dhiiggii colaadda Tigree waxa uu mar kale maamulay dagaal kale oo aan kan hore ka khaasare yarayn.

Isla ilbidhiqsigii laga soo laabtay dagaalka Tigree waxa deegaanka Amxaarada ka qarxay colaad u dhaxaysa saaxiibbo ku wada jiray khaanad qudha markii la joogay duullaanka Maqalle. Markan waxa dirirtu u dhaxaysaa dawladda iyo jabhadda ay gacanteeda ku samaysay ee Fano.

Waa maxay Fano?

Bishii Novermber ee 2020 waxa dalka Itoobiya uu cagaha la galay colaad muddo laga dhursugayay oo u dhaxaysay dawladda federaalka iyo kooxda xilka bannaysay ee TPLF oo ka soo jeedda mid ka mid ah qoomiyaha ugu tirada yar dalkaasi oo 30 sano ahayd midda ay amarradeedu ka fulaan gobolka oo dhan.

Si looga adkaado Tigreega oo dagaalkan ay kula safnaayeen taageeraal caalami ah, dawladdu waxa ay garab ka raadsatay Eriteriya oo la’aantood ay adkaan lahayn in laga guulaysto TPLF. Garab kale oo wax badan taray Addis Ababa waa maleeshiyaadka Fano oo dawladdu ferderaalku ay xooggan u hubaysay.

Fano oo ku dhisan aragti qoomiyadeed waxa ay shidaal qaadasho ka heshay in la la diriro kooxdii iyaga dhaafiyay xukunka iyo in ay naawilayeen soo cesashada dhulka ay ku muransanaayeen labada qoomiyadood ee Tigreega iyo Amxaarada, dhulkaasi oo markan ku jiray gacanta kooxda duullaanka lagu yahay.

Kaarka Fano ee la xoqday xilligii dagaalku waxa cimrigiisu ku ekaa bilowgii sannadkii inna weydaartay, kaddib markii dawladda Itoobiya iyo TPLF ay ka heshiiyeen colaad aan la aqoon waxa rasmiga ah ee laga dheefay.

Dagaalka dawladda federaalka iyo maleeshiyaadka Amxaarada waxa soo dedejiyay diidamada hub-ka-dhigis ay Itoobiya ku samaysay dhammaan deegaanka kale ee dalkaasi oo ay ku jiraan ciidanka xoogga gaarka ah ee deegaanka Soomaalida oo iyagu u hoogaansamay qorshaha dawladda ee in dalku yeesho hal ciidan oo ka amar qaata dawladda federaalka.

Deegaanka Amxaarada iyo gaar ahaan kooxda Fano ayaa si weyn uga biyo-diiday go’aanka ay dawladdu ku rabto in laga dhigo hubka, maaddaama ay weli ku jireen furimo kaga furan Tigreega iyo Oromada.

Dagaalku waxa uu hadda ku baahay guud ahaan gobolka iyada o maalimihii la soo dhaafay lagu dagaallamay magaalada madaxda deegaanka Amxaarada ee Abhir-Dar. Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay colaadda aan la ogayn goorta ay dami doonto ee deegaankaasi ka taagan. Waxa adag in xog rasmi ah laga helo furimaha colaadda, maaddaama ay dawladdu jartay dhammaan noocyada isgaadhsiinta.

Dadka isha ku haya dagaalkaasi waxa ay sheegayaan in dawladdu ay ku gacan sarrayso dagaalka tooska ah, adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayna ay wax badan ka tareen in ay guulo ka gaadheen iska hor imaadka foolka-foolka ah. Laakiin waxa la isku raacsan yahay in jabhaddu ay qaadatay qorshe ka halis badan dagaalka foolka-foolka. Waa nidaam kale oo dhisan jabhaydayn, hawlagallo qorshaysan iyo jid-gooyoyin qaarkood halis geliyay magaalo-madaxda Addisa Ababa.

Tallaabooyinka ay qaadday Addis Ababa

Colaadda ka holcaysa deegaanak Amxaaradu ma aha halista ugu weyn ee dalkaasi ka taagan. Kala fogaanshaha qoomiyadaha dalkaasi iyo is aammid-la’aan ka dhexdooda ah waa waxa ugu weyn ee halis gelinaysa mustaqbalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa lumiyay taageerada qoomiyadaha waa weyn ee dalkiisa oo ay ku jirto qoomiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada.

Si loo jiheeyo qoomiyadaha kala fogaaday ee dalkaasi ama ugu yaraan hoggaamiyaheedu uu u helo nafis-siyaasadeed waxa uu qaaday tallaabo colaadda ugu saarayo meel bannaanka aka ah dalkiisa.

Qorshaha bad-raadiska, caqbadaha ka haysta gudaha iyo xiisadda juqraafi siyaasadeed ayaa falanqeeyayaashu ay ku doodayaan in Abiy ay ku riixayso in dagaal uu la galo dalalka dariska si uu ugu yaraan u helo nafis siyaasadeed ama u jiheeyo Itoobiyaanka isku dilaya gudaha dalkaasi.

Tan iyo badhtamihii sannadkii la soo dhaafay waxa ugu badan ee lagu karinayay aqalka Araat Kiilo waxa uu ahaa qorshaha farsmo lagu gaadho biyaha Badda Cas oo midda dagaalku ay tahay tan mar walba miiska saaran.

Dhammaadkii sannadkii ina dhaafay Itoobiya iyo Eriteriya ayaa ku sigtay in ay galaan colaad hore leh oo ka dhacda Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya dhaqdhaqaaq ciidan ka samaysay soohdinta ay wadagaan labada dal. Labada hoggaamiye ee Abiy iyo Isaayaas oo hore ugu kala tagay galka TPLF ayaa wax yar u jirsaday in ay ku dagaallmaaan dekadda Casab oo mar ahayd mid ay Itoobiya maamusho.

Bilowgii sannadkan 2024 waxa uu la kowsaday is-afgarad dhex maray raysalwasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliland. Is-fahankan oo saxeexiisu dhaafay wakhtigii loo asteeyay waa mid ay Itoobiya kaga wareegtay jihadi dagaal ee dhinaca Eriteriya, iyada oo taasi beddelkeeda u damac ka galay qaadasahda xeebaha dayacan ee Soomaalida.

Heshiis ay wada gadhaan Hargeysa iyo Addis Ababa ma soo dedejin doonaa dagaal-biyood oo ka dhaca gobolka? Abiy ma geli doonaa dagaal laba furimood ah?

Tan iyo bishii January, wixii ka dambeeyay isafagaradka lagu saxeeyay Addis Ababa, labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxa mid kastaa uu sameeyay dadaal diblumaasiyadeed oo uu kan kale ku wiiqayo.

Muqdisho oo weli ku gacan sarraysa fargaaha diblumaasiyadda waxa ay arrintan ku qancisay dhammaan waddamada dariska, ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, laakiin sida muuqata hoggaanka Soomaalidu kuma guulaysan in ay sii hayaan kasbashada quluubta Soomaalida si la mid ah sidii bilowgii bilowgii heshiiska.

Madxweynaha Soomaaliya waxa uu heshiis iskaashi dhinaca millateriga ah la gaadhay Turkiga oo geesta kale saaxiib la ah Itoobiya lana og yahay sidii uu dalkaasi uga badbaadiyay burbur ay ka soo kabashadiisu adkaan lahayd.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo Villa Soomaaliya aan faahfaafin badan ka bixin ayaa nuxurkiisu noqonayaa iskaashi difaac iyo mid dhaqaale oo 10 sano socon doona sida ay werisay Middle East Aye.

Dad badan oo si dhow ula socda xiisadda juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa su’aal gelinaya sida uu Turkigu u kala dooran karo Soomaaliya iyo Itoobiya, haddii la gaadho saacadda dagaalka, Colaadaha ka holcaya gudaha Itoobiya iyana waa culeys kale oo aan sahal u noqon doonin Abiy in uu qaato dhabaha ah in uu xooggiisa dibada u saaro.

 

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*