Sida looga hortagi karo Faafida Fikirka Xagjirka ah ee kooxaha Argagisada ee Al Shabaab

AFEEF: Maqaalkan kama turjumayo Aragtida Warbaahinta PuntlandTimes, waxaa iska leh xaquuqdiisa Qoraha ku saxiixan.
WAXAA QORAY: Mahad Bashir Samatar

Kaddib sanado xasillooni la’aan ah, Somalia waxay weli muquuranaysaa khilaafaad, iyadoo ay culays ku hayaan weerarro ay ka dambeeyaan kooxaha gaysta cunfi xag-jirnimo ku salaysan sida Al-Shabaab, kuwaasoo weli xukuma degaanno iyo bulsho deggan qaybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka, waloow ay sanadihii dambe ay dhulal ka qabsadeen Ciidanka Xoogga Dalka Somalia (SNA) iyo kuwa Midowga Afrika ee UNISOM oo hirgelinaya qorshaha Kala Guurka Qaranka. Woqooyiga, qayb yar oo ka tirsan Kooxda Daacish ayaa meelo ka haysata.

Gaar ahaan jawiga siyaasadda aan fadhin iyo dulduleellada amaan ee maxalliga ah, kooxaha xag-jirka ah iyo kuwa aan dowladda ka tirsanayn waxay heli karaan meelo ay ku bullaalaan iyagoo buuxinaya meelaha ay banneeyeen hay’aadka dowladeed ee aan kalsoonida lagu qabin, maqnaanshiyaha dowlad shaqaynaysa iyo bulsho aan sinnayn. Kooxaha xag-jirka ah ee cunfiga adeegsanaya waxay dadka ku saameeyaan qorshayaal jinsi ku dhisan iyo xeelado qabiilaysan, dayaacado xooggan, caqiido gelin xag-jir ah iyo manaahij ay ugu tala galeen da’yarta, iyagoo dadka u sameeyey cadaalad macmal ah iyo hannaan canshuureed oo gaar ah.

Ilaa maanta, xaaladaha caawinaya argagixisada iyo xag-jirnimada cunfigu wehliyo waa kuwo ka jira magaalooyinka iyo xitaa bulshooyinka ku nool meelaha dhowaan la xoreeyey, halkaasoo haddii aan laga samaynin dib u heshiisiinno maxalli ah iyo siyaasad loo dhan yahay, fursado shaqo oo da’yarta loogu tala galay, iyo dib u dhis ku aaddan kalsoonida dadka iyo dowaldda, ay kooxaha Al-Shabaab oo kale ay meelahaa dib u qabsan karaan iyagoo weliba iska dhigaya inay yihiin adeeg bixiyeyaal bidaal u noqon kara.

Waxaa jira qodobo badan oo u sahlaya argagisadu in ay si sahlan ugu dhex faafiso fikirkeeda bulshada, markaa kadibna ay ka hesho taageerayaal iyo dagaalamayaal badan oo u dagaalama kooxda alshabaab waana halista ugu way ee Somalia manta wajahayso oo ah in aan wali la xakamayn Karin faafinta iyo baabinta fikirka xagjirka ah ee uruarada argagaxisada sida Alshabaab. Si fikirkooda ay u faafiyaan waxay isticmaalaan wadooyin badan oo kala duwan sida.

Diinta oo ay fasir khladan ka bixiyaan

Isku dirka dadka wada dagan: In ay iska horkeenaan qabiilada wada dagan oo bulshadu reer reer isku layso kadibna ay soo kala dhexgalaan ayagoo iska dhigaya in ay dhexdhexaadin u samaynayaan dadkii islaayay oo markii horeba ay ayagu isku direen.

In ay abaaraan dadka inta aan waxbaran ama reer guuraaga reer baadiyaha ah kadibna ay ka dhaadhiciyaan in ay yihiin koox u dagaalamaysa kor u qaadida diinta iyo sharafka dadka Soomaliyeed, sidaas na ay ku helaan taageerayaal badan iyo dagaalamayaal badan oo aan cidkale wax ka maqlayn diyaarna u ah in ay u dhintaan kooxda darted.

Dhaqaale abuur: Siyaabaha kale oo ay kooxdu inta badan fikirkeeda xagjirnimada ah ay ku faafiso waxaa ka mid ah in ay dhagaale ama shaqo abuur u samayso dadka aan shaqayn ama aan wax xirfad shaqo ah aan lahayn kadibna ay u sameeyaan balan qaad dhaqaale bille ah hadii ay ku soo biiraana oo ay siin doonaan dhaqaale farabadan. Sidaasna ay ku heleen dad badan oo la dhacsan fikirkooda ayagoo ka fiirinaya baahida dhaqaale oo ay qabaan.

Dhibanayaal laga faaiidaysto: Kooxdu si ay u faafiso fikirkeeda guracan Waxay kale oo raadsadaan dhibanayaasha la dhibaateeyay bulshada dhexdeeda si ay uga balan qaadaan hadii ay taageeraan ama ku soo biiraan in ay cadaalad balaaran heli doonan loogana aari doono dadkii dhibaateeyay, sidaasna ay ku kasbadaan quluubta dadka la daalaa dhacaya dhibaatooyinka iyo xad-gudubyada bulshada dhexdeeda ka dhaca sida dadka la hayb sooco, dadka xoolahooda la dhaco, dadka dambiyada gala oo xukumada lagu rido iyo dad badan oo kale oo ay ugu soo dhuuntaan in ay cadaalad u raadinayaan ayay uga faaiidaystaan in ay ku soo biiriyaan taageerayaasha kooxda argagaxisada ah.

Dhalinyadara camal la’aanta ah: waxay kaloo kooxuhu inta badan xooga saaraan in ay ku abuuraan fikirkooda ku biiriyaan taageerayaashooda iyo dagaalyahana dooda da’a yarta camal la’aanta ah oo aan wax baran ama shaqo la’aanta noqotay si ay uga faaiidaystaan xoogooda iyo tamartooda ayagoo u balan qaadaya in ay shaqo abuur ay dhaqaale farabadan ka sameeyaan ay siin doonaan.

Goobo waxbarasho oo ay gaar u leeyihiin: waxay ka loo fikirkooda ku faafiyaan goobo waxbarasho oo ay ayagu aasaaseen ama ay gaar u leeyiihiin oo inta badan ay ku shubaan ardayda u ay waxku baraan xagjirnimada iyo waxa ay aaminsanyihiin iyo sida ay aakhiro meelo sare uga gali doonaan Janada eebe hadii ay u dagaalamaan diinta eebe, sidaasna ay ugu beeraan fikirkooda caruur yaryar oo saqiir ah oo aan waxba kala garayn.

Dumarka: Kooxdu waxay kaloo adeegsadaan Dumarka si ay u faafiyaan fikirkooda ayagoo inta badan ugu soo dhuunta in ay diin barayaan kadibna ku talaala fikirkooda Xagjirka ah oo ay u isticmaalaan in ay fariinta qaadaan gabdhuhu mar marka qaarna waxay dumarka u isticmaalaan in ay hubka iyo aaladaha ay waxku qarxiyaan ay u qaadaan oo aan ayaga aad looga shakinayn.

Sidee looga hortagi karaa fikirka xagjirka ka ah ee Alshabaab;

Gabo-gabo iyo gunanad: Dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ayaa dhawaan shan iyo toban jirsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaayo kala duwan u wajahday la dagaalanka ururkaas. Marka laga tago dagaallada foolka foolka ah iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykan ka ay ka geystaan qeybo kamid ah deegaannada ay maamulaan, waxaa bar bar socday dedaallo xooggan oo lagu soo jiidanayay u dagaallamayaasha iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee ururkaas.

Dowlada Somalia Ayaan dhawaan soo ban dhigtay qaabka loola dagaalami karo firkirka xagjirka ah ee Kooxda Alshabaab, dowlada oo isticmaalaysa Khuburo dhanka amaanka iyo diinta ah ayaa sheegtay in dhowr qaab loola dagaalami karo faafida fikirka kagjirka ah ee kooxda argagaxisada ah, qaababkaas oo ay ka midyihiin.

Isticmaalka Culimada muxtarimka ah ee caanka ah: In culimada ay afkaarta la xiriirta diinta ee sida khaldan ay kooxdu u isticmaalayso ay ka hortagaan oo fasiraad iyo sharaxaad dheeraad ah laga bixiyo arimaha diiniga ah ee ay inta badan dadka ugu soo dhuuntaan ayadoo la isticmaalayo culimo waa wayn ama caank ah Soomaalida dhexdeeda sidaasna lagu yaran karo dadka diin ahaan u rumaysta kooxdaan.

Cafis u fidinta dagaalamayaasha kuwooda da’da yar si ay uga soo baxaan: Dowlada Somalia ayaa qorshaysay in ay cafis u fidisao dhamaan dagaalama yaasha kooxda ee duurka ku jira hadii ay ka soo baxaan oo ay dadkooda dib ugu soo laabtaan, si arinkaan looga dhabeeyo ayay dowladu qaadatay siyaasada ah in aan la caburin lana takoorin qofkii ka soo baxa kooxda argagaxisada ah taaa badalkeedana nolol iyo shaqo loo abuuro si uu u noolaado si ka wanaagsan sidii uu horay ugu noolaa markuu kooxda ku jiray.

Dowlad wanaag, Kala Dambayn iyo xuquuqul insaan.

Awoodsiinta dhallinyarada:

Isbarashada iyo isdhexgalka Bulshada: si loo aqoonsado qofka ka tirsan kooxaha nabad diidka ah ayay dowladu qaadatay siyaasad ah in bulshadu isdhexgal iyo isbarasho samayso oo qof kasta uu barto qofka dariska la ah bulshaduna ay la shaqeeyaan laamaha amniga oo qofkii la garan waayo la soo report gareeyo.

Shaqo abuurka iyo kor u qaadista xirfada dhalinyarada Soomaaliyeed si dhaqaale loogu abuuro: waxaa kaloo la dardar galiyay mashaariicda shaqo abuurka dhalinyarada oo ahaa kuwa ugu badan ee kooxda ku biira iyo kor u qaadista xirfada iyo waxbarashada dhalinyarada si ay uga maarmaan in ay nolol iyo shaqo abuur u doontaan kooxda Alshabaab.

Qaadashada Kaarka aqoonsiga dad waynaha: dowladu waxay kaloo soo rogtay in qofkasta qaato kaarka aqoonsiga dadwaynaha si loo ogaado meesha uu dagan yahay iyo waxa uu qabto.

Hubinta Manhajka waxbarashada dugsiyada iyo Skuulada Soomaaliyeed: Dowladu waxay kaloo qaadatay in la hubiyo dhamaan manaajidta waxbarasho ee laga isticmaalo wadanka gudihiisa iyo in kor loo qaado tayada waxbarasho ee ardayda Somaliyeed si looga hortago in schoolada iyo dugsiyada loo isticmaalo meelo lagu faafiyo Fikirka argagaxisada iyo kooxaha nabad diidka ah.

xiriirro istaraatiji ah, sida adeegsiga internet iyo baraha bulshada oo lagu wacdi galiyo dhalinyarada iyada oo lagaga hortagayo dacaayadaha badan ee ay kooxdani faafinayaan, laguna tusayo dhalinyarada in waxa ay jihaadka ugu yeeraan uusan ahayn wax run ah uuna yahay arrin ay dhiigga ummadda ku banaysanayaan, lacag iyo mansabna ku abuuranayaan, iyadoo meelo badan tusaalayaal laga tusayo.

Ugu danbayn waxaa muhiim ah in tab kasta oo kooxdani lagula dagaalami karo la adeegsado, loona guntado sidii si dhab ah oo cilmiyaysan  loo darsi lahaa sababaha kooxdan loo ciribtiri karo.

W/Q: Mahad Samatar.

Email: msamatar17@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*