DAAWO: MW Xassan Sh oo taageero weydiistay dawlad u yaqaanay Cadow iyo Kaligii Talisnimo

Soomaaliya oo ku jirta dagaal ka dhan ah kooxaha Argagixiso ee nabadda & Horumarka diidan, ayaa baadigoobaysa wali dal daacad ka noqda dagaalkan oo ku taageera waxyaabaha ay muhiimada u aragto, MW Xassan Sheekh oo bilowgii isku qaaday dhinaca Imaaraatka Carabta oo u arkayay xaliif wanaagsan oo uyeelan karro ayaa ku hungoobay, sida ay hadda sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhaw dhinaca kooxda Madaxweynaha, oo bilihii lasoo dhaafay bilaabay in ay si ba’an u maagaan dhinaca Imaaraatka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa markii 6aad u safray Eritrea, waa mid kamid ah dalalka la aaminsan yahay in ay ka daacad noqon karto dibu dhiska xoogaga sugida amniga ee Soomaaliya, waxayna tababaro xoogan siisay in ka badan 10kun oo askarta xoogga dalka ah, laakiin sida loo maamulay galkooda ayay si ba’an u saluugsan yihiin, sida ay xaqiijinayaan dadka sida dhaw ula socda xariirka labada dal.

2 maalin ayuu Xassan Sheekh joogi doonaa Asmara, waxaaana uu la kulmayaa dhigiisa Eritrea Asiasa Afwerki oo lkusoo dhaweeyey garoonak diyaaradaha, xogta wada hadalka labada dhinac kasokow Iskaashiga Milateriga, haddana Soomaaliya ayaa doonaysa in lasiiyo taageero hubeed oo ay sheegayso in ay kula dagaalamayso kooxaha Argagixiso.

Inkasta oo lagu kala aragti duwan yahay sida ay daacad uga noqon karaan qaar kamid ah masuuliyiinta dawladdu, in ay si dhab ah uga shaqeyaan galka la dagaalanka Argagixisada, haddana Eritrea waxay xiligan Villa Somalia u aragtay dawlad kaliya ee si buuxda gacan uga siin karto dibu hanashada amniga, iyadoo loo marayo in aysan kamid aheyn dalalka ujedooyin siyaasadeed ka dhex leh dhinacyada Soomaalida.

DAL CADOW HOREY U AQOONSANAA HSM: Oo maanta hiil u  ah!

Madaxweyne Xassan Sheekh oo si ba’an horey ugu dhaleeceeyey in ay Eritrea tahay dal cadow ku ah Soomaaliya 2021kii, oo aysan waxba ka dhaxeynin bedelkeedana ammaan kala dul-dhacay Ismaaciil Cumar Geelle oo MW u yaqaano walaalka weyn, hadda si cad ugu sheeganaya MW Xassan Sh codsigiisa ku wajahan in Asmara ay taageero hubeed ku taageerto in ka badan 5 kun oo askarta dawladda ah, kuwaas oo dhawaanahan tababaro deg deg ah lasiiyey, haddana sida lagu xulay ay laftirkeeda dood xoogan ka jirto, iyadoo ay warar sheegayaan in hubeynta cusub aan la aqoonin sida loo maareynayo.

In Eritrea ay hub cusub siinayso dawladda Soomaaliya, aad looguma niyadsama, gaar ahaana marka dib loo raaco sooyaalka dhaw iyo sida aysan ugu faraxsaneyn hanaanka maareynta amniga dalka, oo ay u aragto in uu u dabran yahay danaha dawlado Shisheye, oo daruufaha jira ka dhex arka faa’iidooyin siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, taas oo aysan wali faham badan iyo ku dhac go’aan ka gaaris ka haysan hoggaamiyayaasha Soomaalida oo cabsi ka qaba in ay la kulmaan cadaadisyo reer galbeedka ah.

ASMARA: oo ka niyadjabsan hanaanka galka amniga & nooca agasin ee MW Xassan !

Eritrea, waxay si xoogan uga niyad jabtay dawlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, waxaana horey MW Afwerki u balanqaaday markii uu booqday Muqdisho, in uu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo ka badan 50 kun oo askari, laakiin hanaanka loo agaasimay ciidamadaas ayaa rajo beel ka dhigtay natiijo kasta oo la filan karay, gaar ahaana markii lagu soo celiyey gudaha dalka ayaa la xaqiijiyey in loo kala diray si aan gabasho laheyn.

MW Afwerki oo wareysi uu siiyey warbaahinta dalkiisa kal hore ka hadlayay arrimaha ciidamadan ayaa sheegay in dacaayad iyo been abuur badan laga sameeyey oo ay ka dambeeyeen dawladdaha Reer Galbeedka, sidaas oo kale markii ay ku celiyeen Soomaaliya ayuu sheegay in la kala diray, taas oo uu kusifeeyey mid Eritrea aysan soo dhaweynin, Amniga Soomaaliya ayuu shegay in uu baahan yahay dhiiranan iyo in ay Soomaalidu is aaminaan.

Asmara waxaa lagu sifeeyaa dal aan waxba u arkin cadaadiska Reer galbeedka, danahooda ku foogan, taas bedelkedana Reer Galbeedka ayaa si ba’an ugu cadaadiya dalal gobalka in aan waxba xariir ah lala yeelan, gaar ahaana marka ay joogto galka Amniga, laakiin wixii ka dambeeyye 2018-kii MW Afwerku ayaa booqday dalal badan oo dunida ah, isagoo diirada saaraya sidii ay iskaashi uyeelan lahaayeen dalalkaas, dhawaan waxaa soo baxday in ay Masar & Eritrea ka wada hadleen sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya, laakiin labada dhinacba waxay qireen habacsanaanta dhinaca Soomaalida & in aysan qaadan karin go’aano ay u madax banaan yihiin, sida ay qireen ilo wareedyo xaga siyaasadda ah.

MW XASSAN: oo garowsaday in xariirka Muqdisho & Asmara uu yahay muhiimad weyn oo ay Soomaalidu haysto!

UGU DAMBEYN: Inkasta oo uu sannado kahor MW Xassan Sheekh u arkayay Eritrea meel an mudneyn in xariir lala yeesho, lana joojiyo la macaamilkeeda, haddana safaradiisa dalka ugu badan ee uu kutagay ayay noqotay xiligan, isagoo sheegay in Iskaashiga amniga ee dhexmaray Farmaajo & Afwerki 2019-kii uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa ee lSoomaalidu sannadahan gasho, wuxuuna hadda raajicinayaa in ay Asmara taageero hubeed siiso dawladda Faderaalka, iyadoo la xaqiijinayo Eritreayanku in aysan niyadsami xoogan waqtigan kuqabin in ay hubkaas gacanta u agshaan dawladda Faderaalka, haddana rasaas fudud iyo qoryaha askarta in ay bixiyaan ayaa suuragal ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*