DAAWO: Xassan Sh oo noqday Madaxweynihii 1-aad oo lagu wada eedeeyoo dhac, Boob Hantiyeed & kala goynta Soomaaliya

Diidmada xooga badan ee kuaadan in jihada ay kusocoto Siyaasadda Soomaaliya ay tahay aag halis badan oo u baahan in taxadar iyo aragti tolmoon laga qaato ayaa sii kordhaya, Bilihii lasoo dhaafay waraaqaha ka imaanaya dhinacyada siyaasadda, madaxdii hore & Puntland ayaa ahaa kuwa loogu jeedinayo MW Xassan Sheekh in uu kasoo laabtay jihada uu afka saaray ee aan aheyn Toobiye laysku raacsan yahay.

Inkasta oo bilowgii madaxweyne Xassan Shekeh & kooxdiisa isku raranku aad uga hadleen in ay Dastuurka qabyo tirayaan, haddana taas wax ka duwan ayay Puntland xiligaas sheegtay, taas oo ahayd in Madaxweynuhu ku mashquulsan yahay wax dhaafsan dastuur la qabyo-tirayo uu u jeedo bedelka Hanaanka dawladnimada.

DENI & FARMAAJO: oo arrin saf wada galisay

Siciid Deni ayaa bilowgii ka tagida fadhiyada madasha sheegay in Madaxweynuhu la yimi aragtida ah dawlad ku urursan Muqdisho, awoodaha oo dhana halkaas ay yalan, inkasta oo dad badan diideen hadalka Deni, haddana xiligan dhawaaqa is qabsaday ee gudaha dawladda ka imaanaya ayaa muujinaya dhabta halka ay taagan tahay.

Laakiin todobaadkii hore MW hore ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna raacay dhabaha Siciid Deni sheegay 14 bilood kahor ee ahaa in dastuur cusub la qorayo, Farmaajo ayaa ku eedeeyey MW Xassan in uu ka shaqeynyao kala geynta bulshadii isku raacsanayd dawlad dhiska 3aad ee JFS.

MW Xassan Sheekh: oo deg deg kuraadinaya ansixinta Dastuurka cusub

Villa Somalia, ayaa kordhisay saacadihii u dambeeyey dadaalkeeda la xariiray in todobaadkan gudihiisa baarlamaanka xataa haddii kooram la waayo la kulmiyo taabiciinta madaxtooyada, Gudoomiyaha golaha shacabkana dubaha ku dhufto oo ku luuqeeyo weedhiisii caanka ahayd ee ANSAX weeye, taas oo mushkiladaha siyaasadeed ka dhalan doona cabsi laga qabo in ay dawladnimada dib u ridaan, oo ay horseedaan daganaansho la’aan amni & mid siyaasadeed, sida ay ka digeen madaxdii hore.

24 saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeysanaya codka mudanayaasha baarlamaanka 11-aad oo ay hogaaminayeen waayeelka ugu da’ada weyn 2da golle, ee ay uga hadlayaan mashruuca dastuurka cusub ee MW Xassan Sheekh doonayo in loo meemariyo 24-ka bishan march ee aynu ku jirno, kaas oo aysan dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida heshiis ku aheyn.

Labadii gudoomiye KMG ah ee gudoominayay doorashadii Guddoonka baarlamaanka hadda dubaha daabkiisa haya, ayaa kusifeeyey ficilada Aaden Madoobe iyo xubnaha miiska lafadhiyaa in aysan aheyn midii Qaran ee loo igmaday, turida dalka iyo masuuliyad wadata, waxayna kadigeen ficilada ka dhalanaya go’aanadaas oo ay kusifeeyeen kuwa masuuliyad darro ah.

2 QODOB oo aan waligeed iskumar lagu eedeyn Hoggaamiye Soomaaliyeed, ayaa ku kulmay Xassan Sheekh, taas oo ka durugsan maqaam kasta oo madaxweyne ama masuul xil loo dhaariyey.

In mudanayaashii ugu badnaa ee labada golle oo ay horkacayaan waayeelkii golahan diidaan damaca Villadda ee keenida dastuurka cusub, korna u dhahaan codkooda ah in aysan taageersaneyn mashruucan, kuna eedeeyaan MW Xassan Sheekh kala dhantaalka Midnimada inta is ogol ee Soomaaliyeed, iyadoo maalmo kahorna Madaxdii hore sheegeen in boobka socda ee hantida dawladda lagu hayo, mashaariicda la qofeeyey iyo Ilaha dhaqaalaha ee qoysaska loo xiray ay tahay xatooyadii ugu xooga badnayd ee magac dawladnimada lagu geysto, waa eedo culus oo adag oo Madaxweyne Xassan Sheekh aan wadajir waligeed loogu eedeyn.

Waxay ka dhigan tahay wax aad uga soo horjeeda Hal-heyskii MW & kooxda Isku raranka ah ee ay doorashada ku galeen oo ahayd “Soomaali Heshiis ah”, xubnaha baarlamaanka ayaa MW Qaranka ku eedeyey in uu Midnimadii kala dirayo, oo uu ka shaqeynayay wax kasoo horjeeda ajendihii loo doortay, tani maaha eed sahlan iyo wax fudud oo layska yiri.

Qaar kamid ah saaxiibada Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay la hadashay GAYLAN-MEDIA waxay sheegeen in ay ka argagaxeen labada eedoodba, MW si gaar ah u dhibsaday in cumriga 70-ka jirka oo uu marar badan sheegay in uu jiro, ay isaga ceeb ku tahay in lagu eedeeyo Midnimo kala dhantal iyo boob Hanti dadweyne.

Mudo xileedkii hore ee MW Xassan Sheekh, labada eedoodba waa taagnaayeen, gaar ahaana tan boobka dhulka xubno kamid ah hadda golihiisa wasiirada ayaa gaarsiiyey darajo sare oo kaduwan erayo kasta oo lagu qeexi karay, waxaana eeda cusub ay noqonaysaa dhacdo horey loo sii ogaa qeyb kamid ah, laakiin inkasta oo MW la aaminsanaa in uu dhabahaas ka leexan doono waa ku dhiiran wayaya, ayay qabaan dad badan in uu magaciisa iyo dawladdaba ka hufo ficilada boobka iyo qeylo dhaanta ka imaanaysa ganacsatada ama Shacabka.

2 sanno oo uusan gaarin mudo xileedka MW Xassan Sheekh, wuxuu la kulmay labo dhacdo oo waa weyn in lagu eedeeyo, taas oo ay adkeyd in hoggaamiyayaasha xukunka lagula dhiirado iyagoo wada socda 2daas qodob.

Qeylo-dhaanta cusub ee katimi mudanayaasha golaha baarlamaanka qaar kamid ah, go’aanadii kasii horeeyey ee Madaxdii hore, hadaladii xalay ka dhacay gudoomiyaha golaha shacabka Aaden Madoobe ee ku sheegay in uu dastuur cusub ansixinayo iyo go’aanka Villa Somalia yaala hadda ah ee ah in todobaadkan la meelmariyo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay waabeey siyaasadeed oo aan halis u noqoneyn Madaxweyne Xassan Sheekh.

XILDHIBAANO: kuraastooda u baqaya oo HSM god halis badan ku hubsanaya!

Inta badan mudanayaasha 2da golle ee u guuxaya qorshaha Dastuurka, waxay u badan yihiin xubno madaxda dawlad gobaleedyada u arka in aysan kuraas dambe kasoo heli doonin, waxay qaateen qodobka ah in ay sax iyo khaladba ka horimayaan kursigooda, xubnaha qaarkood oo kasoo jeeda PL kuna soo guuldareystay in ay saameyn kuyeeshaan deegaanadooda ayaa ka mid noqday mashruuca Madaxtooyada, laakiin haddii ay xataa gacmahooda ku ansixiyaan sida ay ku xagsan karaan kuraastooda waa adag tahay ayaa la aaminsan yahay, sida laga bartay sooyaalka siyaasadeed, gaar ahaana kii dhawaa ee Mudo kororsigii baarlamaankii 10-aad, oo aan waxba kahirgalin.

MUCAARADKA OO IL BIYO YAR DHIBIC KA SUGAY!

Inkasta oo ay Mucaaradka intooda badan dheeganayaan Weedha ah “Durbaankii la xaday xaggee lagu tumayaa”haddana waxay qabaan in talaabooyinka la qaadayo ay halis galinayaan dawladnimada Soomaaliya, xaaladuna ay qarka u saarnan karto in kala tag bulsho oo ka daran kan hadda taagan markale la aado, laakiin waxa ugu dhaw ee ay haddana isku dajinayaan waxaa lagu fasiray aragtida in go’aan kasta oo Aaden Madoobe iyo guddoonka idman ay dubaha ku garaacaan uu ka dhignaan doono mid aan meelmar noqon karin, oo lagu qasbanaan doono miis wada xajaood in looga heshiiyo wax kasta oo siyaasadda u dabran.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadaljeedintii maalmo kahor kajeediyey baarlamaanka 11-aad ayaa u sheegay Guddoonka iyo saaxiibada MW Xassan Sheekh in Dastuurja kasta oo la ansixiyo uusan buugg yaraha haddiiba la daabaco dhaafi doonin, maadaama halkii lagu dhaqi lahaa aysan dawladdu ka talin, midnimadu dhaawacan tahay, amniga Shisheeyuhu hayo, dhaqaalahana laga sugo kaalmi caalami ah, xiligaas wuxuu xasuusiyey baarlamaanka in ay garowsadaan xaqiiqada hortaala taala oo ay dhalanteeda ka baxaan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*