Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Oo Ka Digay Wax Ka Badelka Dastuurka

Mudanayaal katirsan golaha baarlamaanka 11-aad oo ay hogaaminayaan Labada xubnood ee ugu da’ada weyn 2da golle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho caawa,
ayaa ugu baaqay MW Xassan Sheekh in uu joojiyo isku dayada wax kabedelka Dastuurka, oo ay sheegeen in uu kala fogeynayo dhammaan dhinacyada hadda ku mideysan dawladnimada faderaaliga ah, Midnimada dhaawacayo, loona baahan yahay in uu ka shaqeeyo isku heynta ummadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa sheegay in dastuur cusub la alifayo, ee aysan jirin wax ka bedel Dastuur lagu sameynayo, waxayna sheegeen in talaabooyinka la wado ay halis weyn keenayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*